Bosaso: Dhamays tirka Hishiis beelo wada daga Gobolka bari oo maanta ka dhacay Magalada Bosaso

Tuesday November 30, 2010 - 20:31:56
0 Comments
1258
Super Admin
Dhamays tirka Hishiis beelo wada daga Gobolka bari oo maanta ka dhacay xarunta madaxtoyada magalada bosaso ayaa waxaa ka qayb galay waxgaradka iyo masuuliyiin labada beelood ayada oo halkaas balamo hore oo qabya ahaa lagu oofiyey
Ujeedada Kulankani aya Waxaa Ay Ka Danbaysay ka dib Markii Mid Ka Horay Bishani Horaanteedi Lagu Qabtay xarunta Madaxtoyada Boosaso Kaasi Oo Heshiis Lagu kala Saxiixday.

Waxaa Maanta Goobjoog Ka Ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen C/samad Cali Shirre Wasiirka Amniga Yusuf Axmed Khayr Wasiirka Dekedaha Iyo gaadiidka Bada Puntland Eng Siciid Maxmed Raage Iyo Xubno Kale oo Ka Tirsan Dowlada Puntland.

Masuuliyiinta Hormuudka Ka ahaa Beelaha Cali saleeban Iyo Cali Jabra’il ayaa Waxaa ay Marka Hore Goobta Ka sheegen In Ay Soo Dhameystireen Dhamaan Lacagihii ay Ugu Talagaleen Samirsinta iyo Duugta intii Dagalkooda uu Socday Dadkii Ku dhintay.

Waxaana Gudiga dhex Dhexadinta Oo hormuud Ka Ahaa Ugaas Xasan Ugaas yaasin Uu sheegay in gudi ahaan Labada Beelood uga Mahadcelinyaan Qaabka ay u Qaateen Isla Markaasina u Ajiibeen Dhamaan Ajandayaashi ay Gudiga u soo Qadimeen.

Sidoo Kale Waxa Goobtaasi Lagu Kala Qaatay lacagihii Labada Dhinac u Soo Diyaariyeen in Dhinac Walba Uu Gudoonsiiyo Dhinaca Kale Waxaana U Kala Gudoomay Labada Beeldaaje Ee beelaha Cali Saleeban Iyo Cali Jabra’il Wakiilka Ka ahaa Waxaana Sidoo Kale Halkasi lacago Magdhow ah Lagu Siiyay Beel Kale Oo Dhibaatda dagaaladii IGDHAYS Samaaeyn Ku Yeelatay.

Dhinac Dowlada Puntland Halkasi Waxaa Ka Hadaly Wasiirka Amniga Puntland Gen: Yusuf Axmed Khayr oo Ku Dheeraday muhiimada Kulankani iyo La Kala Wareegida Duugta iyo Samirsiinta Oo Ku Tilmaamay Mid Guul U Ah Dhamaan Shacabka Puntland Isla Markaasina Looga Baahan Yahay In Lagu Daydo.

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Gen C/samad Cali Shire Oo isna Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Carabka ku Adkeeyay Heshiiskani Muhiimada Uu leeyahay Iyo Sida Loogu baahan Yahay in Loo Gaarsiiyo Beelihii Diriirta Dhexmartay Qaybahooda ku Nool Dhulka Miyiga Ah.

Ugu Danbeytiina Waxaa Loo balamay in Booqashooyin Iyo Isdhexgalin Loo Sameyo Dhamaan Beelaha Dagaalamay Meel ay Joogaan Gaar ahaan Kuwa Reer Guuraaga ah ee Ku Nool Dhulka lagu Dagaalamay Taasi Oo Dhawaan La Bilaabi Doono.

Iyadoona Hay’ada Cilmi baarista Ee PDRC La sheegay in Ay Tahay mida Suuragalisay Kulamadii Isdaba jooga aha ee Beelahani Yeelanayeen Mudadii La soo Dhaafay.

tx....rb

MC

Related Items


Leave a comment