Kenya: Police-ka kenya oo shegay in aysan islamiyintu ku lug lahay falalkii bambano ee lagu weeraray saraakiis ka tirsan ciidan kooda

Sunday December 05, 2010 - 09:10:23
0 Comments
1302
Super Admin
Police-ka kenya oo shegay in aysan islamiyintu ku lug lahay falalkii bambano ee lagu weeraray saraakiis ka tirsan ciidan kooda maalintii jimcaha kuwaas oo ay ku geer yoodeen ilaa 3 sarkaal oo ka tirsan Police ka kenya ayada oo mid ka mid ah ka dhacay qarax yada banbaano Xaafada islii ee somalidu ku badan tahay taasna ay shaki galisay dad badan o looga shakiyey kooxaha islamiyinta ah ee somalia

Maalintii Jimcihii ayaa qarax lala beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidamo booliska Kenya ka tirsan waxaa ku geeriyooday illaa 2 sarkaal iyadoo markaasi ka dib toogasho lagu dilay sarkaal saddexaad.

Booliska ayaa bilaabay baaritaano lagu ogaanayo weeraradaasi, iyadoo markii hore uu jiray shaki laga qabay in weerarada ay lug ku leeyihiin kooxaha Islaamiyiinta ee ka jira Soomaaliya.

Saraakiisha booliska Kenya waxay sheegeen in baaritaanka uu muujinayo in weerarada ay ka dambeeyeen kooxo burcad ah oo ka jira gudaha Kenya kuwaasoo weerara ku qaada booliska iyo goobaha dowlada, isla markana qaarkood la aqoonsaday.

Waxay arintani neefta ka soo saartay dad badan oo ajaaniib ah oo ay Soomaalidana ku jirto kuwaasoo welwel weyn ku heysay arintan Jimcihii ka dhacday wadanka Kenya taasoo laga yaabi lahaa inay saameyn ku yeekato, balse waxaa hadda spoo baxday cadeymo muujinaya in weeraradalaga soo abaabulay gudaha wadanka Kenya.

Waxaa la filayaa in war bixin dhamaystiran ay ka soo baxdo Ciidanka taas oo la filayo in ay faahfaaiyaa Burcadda ay sheegeen in ay soo weerareen

Cabdiqani Carab

Burtinle times Nairobi

Related Items


Leave a comment