Malleyshiyaad hubaysan oo Jid-gooyo dhigtay Kontoroolkii hore ee Boosaaso

Tuesday March 05, 2024 - 13:55:57
0 Comments
37
ahmed raajaa
BOSAASO
Kooxdaan hubaysan ayaa lagu soo warramayaa inay jid-gooyo ka sameeyeen qaybo ka mid ah magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland, gaar ahaan Koontroolkii hore ee Magaalada.

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa tilmaamaya in maleeshiyaadka oo wejiga qarsaday ay baarteen gaadiid kala duwan oo laamiga marayay halka qaarkood kala dageen raashin iyo agab kale, sida la sheegay.

Dadka shacabka ah ee waddadaasi isticmaala ayaa caqabado kala kulmay kooxdaasi, waxaana ugu dambeyntii la sheeegay inay ku baxeen Ciidamo ka tirsan laamaha Amniga magaalada Boosaaso.

Iyadoo Ciidamada ammaanka ee halkaasi gaaray la tilmaamay inay ku guulaysteen kala cayrinta kooxdaasi jidgooyada ku sameynayay gadiidka shacabka.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment