Kooxo hubaysan oo xalay dil ka gaystay gudaha magaalada galkacyo

Tuesday February 27, 2024 - 18:06:19
0 Comments
51
ahmed raajaa
GALKACYO
Kooxo hubaysan oo cadaystay dhaca mobailada ayaa ku soo badanaya magaalada galkacyo.

Xalay ayeey ahayd markii koox ka kooban sedex ruux oo ku labisan dirayska tuutaha ay dileen nin dhalinyaro ah, kadib markii uu diiday inuu bixiyo mobailka.

Ilaa iyo iminka lama garanin wajiyadooda lamana cadayn halka ay ka tirsan yihiin.

Inkasta oo maanta la qab-qabtay dadka ka ganacsada mobailada lasoo dhacay, iyadoona ay laamaha amniga ku raad joogaan cidii ka danbeeysay falkaasi dilka ah.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment