Puntland: Madaxwayne ku xigeenka Puntland "Jawaab ciidamda Bada"

Thursday December 09, 2010 - 11:12:09
0 Comments
1207
Super Admin
Madaxwayne ku xigeenka Puntlan Ahna sii hayaha xilka madaxwaynaha Maamulka Puntland C/smad cali shire ayaa ka qayb galin tabar u bilowday qaybtii labaad ee ciidamada Bada asag oo maamulada ka walaasana ku sheegay in ay ahayd in ay ugu hambalyeyaan madaxwaybne ku xigeenka ayaa shegay in ciidamadu aysan Puntland kaliya dan ugu jirin ee ay ugu jiraan Caalamka iyo somalia oodhan

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Gen C/samad Cali shire Oo Furayay Tababarkaasi Ayaa Waxaa Uu Soo hadal Qaaday Arimaha La Xiriira Shakiga ay Ka Muujiyeen Dalal Dhowr ah Ciidamda Bada Puntland.

Mudane C/samad Cali SHire Ayaa sheegay in Ciidamdani Puntland Dhisatay Ay Yihiin Kuwo Ka Howlgali Doono Sidii Ay U Baacsan Lahaayen Kooxaha Burcad Badeeda Ee Dhibaatada Ku Noqday Puntland Oo sheegay in AY dagaal Adag La Gali Donan.

Madaxweyne KU Xigeenka ayaa Meesha Ka Saaray Wararka Sheegaya in Dagaalo Kale Oo Mandiqada Ka Dhaca Puntland U Diyaargarobeyso Isla Markaasina Ciidmadani Loo Dhisayo Sidii Dagaalkasi uga Qayb qaadan Lahayen.

“Walalyaal Anagu Waxaan Dhowr goor Aduun Weynaha Ka dalbanay In Gacan Naga siiyaan Ka Hortaga Aafada Burcada badaha Aduunka Jawaab Nagama Siin Codsigayaga Balse Markii aan Si Gaar ah Ciidan U Samaysan iskuna Taagnay Difaaca Badahayaga Maxaa shakiga Keenay Ma Waxa Loo Baahan Yahay In Burcada Ka Sii Jirto Deeganadayada” Ayuu Hadalkiisa Ku Yiri Mudane C/samad Calis Shire.

Isgoona Xusay in Ciidamadani Noqon Doonan Kuwo Ka Howlgala Dhamaan bada Somalia Hadii Loo Baahdo isgoona Sheegay in Danta puntland Marka Laga soo Tago Somalia Oo Dhan Dan U Hayaan Ciidmada Mudan Yihiina In La Soo Dhaweyo.

dhinaca Kale Wasiirka warfaafinta Maamulka SOmaliland Oo Saxaafada La Hadlay aya Waxaa Uu calaamatu Su’aal Saaray Wax Qabadka Ciidmadani In Aysan Fahmin Wali maamulkooda Isla Markaasna Puntland Xiriir Kala Sameyn Doonan Oganshaha Ciidamadani Sida Hadalka u Dhigay.

Waxaana Muran Dhalisay Mudoyinka Ciidmada Bada Puntland Tababareyso Kuwaaso Oo Maamulka Uu sheegay In Loo Dhisay Ka Taqalusida Kooxaha Burcad badeeda Ee Puntland magac Xumida U soo jiiday.

Maaha Markii Ugu Horeysay Oo Masuuliyinta Puntland Fasiraad Ka bixiyaan Ciidamada Bada Puntland Oo horay Dowlada Mareykanka Walaac Ka Muujisay.

Related Items


Leave a comment