Garawe: Caasumada Puntland oo aad ay ugu soo qulqulayaan Ciyaartowda Gobolada Somalia

Sunday December 12, 2010 - 19:44:59
0 Comments
1241
Super Admin
Caasumada Puntland ee Garawe ayaa waxaa soo gaaraya Ciyaartowda Gobolada Somalia si is badaba joog ah ayada oo ay ciyaartooda Gobolada dhexe soo gaareen maantaba Caasumada si ay uga qayb galaan ciyaaraha ka furmaya 15 bishaan Caasumada Maamulaka Puntland

Labadaan gobol ayaa si sare loogu soo dhoweeyey magaalada Garoowe,waxaana ka qayb qaatay soo dhoweyntooda guddiga qaban qaabada ciyaaraha gobolada Soomaaliya oo Garoowe uga sii horeeyey.

Qaar kamid ah ciyaaryahanada xulka gobolka Bakool ayaa warbaahinta Horseed Media u sheegay in ay rajeynayaan in ay guul balaaran kasoo hoyaan ciyaaraha gobolada Soomaaliya,waxaana ay mahadcelin balaaran ujeediyeen cidda soo qaban qaabisay.

Wasiirka maamul wanaaga Dawladda Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo maanta shir jiraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in heer gabo gabo ah ay marayso u diyaar garowga ciyaaraha gobolada.

Waxaa uu sheegay in haatan la sugaayo dhamaan gobolada in ay soo gaaran Caasimada Puntland iyadoo uu sheegay in guddiga qaban qaabada ay maalmahaan soo afjari doonaan howlahooda,waxaana uu ka codsaday dhamaan shacabka in ay la shaqeeyaan guddiga inta ay socdaan ciyaaraha.

Shalay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa soo gaarey ilaa 4-gobol oo ka qaybgali doona ciyaaraha,waxaana ay noqonaysa markii u horeysay Puntland ay soo qaban qaabiso ciyaaraha heerka gobol ee Soomaaliya.

Related Items


Leave a comment