Mogdisho: Madaxwaynaha Somalia oo xukumada ugu baaqay in ay Amaanka ka shaqeeyaan

Monday December 13, 2010 - 16:54:31
0 Comments
1103
Super Admin
Madaxwaynaha Somalia Shariif Sh. Axmed ayaa xukumada ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Amaanka iyo sidii dhamaana gobolada dalka gacanta loo soo galiyo dowlada Somalia
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay kulan qado ah la yeeshay xubnaha Golaha wasiirada Cusub ku jira, wuxuuna Madaxweynaha ka dalbaday inay dar dargeliyaan howlahooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkooda uu ahaa mid qado sharaf ah, wuxuuna sheegay inuu la kulmay Golaha Wasiirada, isagoo ku booriyay inay muddada 100-ka maalmood ah muujiyaan waxqabadkooda, islamarkaana ku dadaalaan sugida nabadgelyada.

Kulnkaasi oo saxaafadda loo diiday ayaa markii uu dhamaaday waxaa saxaafadda la hadlay madaxweyne Sheekh Shariif iyo wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Fiqi, kuwaasi oo sheegay in ujeedka kulankaasi uu ahaa sidii loo adkayn lahaa ammaanka, islamarkaana wasiir kasta looga baahan yahay sidii ay u xulan lahayd shaqaale aqoon leh oo howsha ka bixi kara.

Madaxweynaha ayaa cadeeyay in xukuumadaan ay tahay mid muddada sagaalka bilood ah ee ka harsan xiliga KMG ah, looga fadhiyo inay ku dhameystirto howlaha horyaalla oo ay ugu horayso ammaanka soo celintiisa.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Xaaji fiqi ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in xukuumaddu ay waddo qorshayaal ay kula wareegayso dhammaan dalka oo idil, sidii loo xalin lahaa ammaanka dalka.

Kulankaasi ayaa ahaa mid aad looga hadlay wax ka qabashada ammaanka dalka, waxayna madaxda dowladda KMG ah isku raaceen inay haboon tahay in marka hore loo guntado sidii wax looga qaban lahaa xaaladda nabadgelyo ee dalka.

Related Items


Leave a comment