Kenya: xildhibano ka tirsan dowlada oo ka hortagaya in uusan maraxwayne Shariif xilka kordhisan

Friday December 17, 2010 - 18:49:28
0 Comments
2182
Super Admin
xildhibano ka tirsan dowlada ayaa olole u jira ka hortagida in uusan Madaxwayne Shariif xilka kordhisan, Xildhibaanada aya shirar ka dhan ah kororsiga waqtiga xilka madaxnimada somalia ee madaxwayne Shiikh shariif ka wada magalada Nairobi ee Xarunta Kenya

wararka imanaya magaalada Nairobi ayaa ku warramaya in mudanayaal ka tirsan barlamaanka Somaliya oo ku sugan magaalada Nairobi ay wadaan dhaqdhaaq ay ay kaga soo horjeedaan in madaxweynaha Somaliya loo kordhiyo mudada madaxtinimada dalka taas oo ay uga harsan tahay in ka yar 9 bilood .

Cabdishakuur Axmed Warsame oo ka tirsan sodonka mudane ee dhaq dhaqaaqan ka wada magaalada Nairobi ayaa waxa uu yiri” waa inaanu wax uun sameeynaa oo aanan iska fariisan anaga oo gacmaha laabanayna oo aanu sugno waqtiga dhamaan shaha madaxtinimada”

Xildhibaanadan ayaa waxa ay isku duba rideen baaq ka kooban afar bog dabadeedna waxa ay u qaybiyeen mudanayaal ka tirsan barlamaanka oo ay iyagu xusheen.

Xildhibaanadan ayaa waxa ay sheegeen in ay carqaladaynayaan dadaal kasta oo madaxweyne Sharif ku doonayo inuu laba sano oo horleh ku darsado madaxtinimadiisa ,iyaga oo sheegay in madaxweynaha uu doonayo inuu ku darsado laba sano oo kale.

Xildhibaanadan ayaa waxa ay sheegeen in qofkasta uu faham san yahay in dheeraanta waqtiga ku meel gaarka ah ay carqalad ku noqotay xaalada siyaasadeed ee Somaliya isla markana ay ku fashilan tay in ay soo afjarida qala laasaha siyaasadeed ee ka taagan Somaliya .

Axmed Cumar Gaagaale oo ka tirsan mudanayaasha barlamaanka isla markana ka soo horjeeda madaxweyne Sharif ayaa isagu ku doodaya in hadii aan la doonayn kor dhinta tabar darada dawlada kumeel gaark ah ay la gudboon tahay beesha caalamka in ay ku qanciso madaxweyne Sharif inuu iskiis ka dego jagada madaxtinimada kadib markii ay idlaato mudada madaxtinimadiisa .waxana uu intaa ku daray in madaxweynu ku fashilmay labadii sano ee aynu soo dhaafnay inuu guul ka gaaro xaalada murugsan ee Somaliya.

Hadaba inkasta oo madaxweyne Sharif ilaa iminka uu san soo hadal qaadin ololahan ayaa afhayeen u hadlay madaxweyne Sharif oo la yiraahdo Xasan Cabdi Xayli ayaa isaga oo ka jawaabayay arrintan waxa uu sheegay in shaykasta ku tiirsan yahay sida ay dawladu wax uga qabato waxyaalaha muhiimka ah sida amniga iyo maamul wanaaga ,waxana uu intaa raaciyay in hadii ay dawladu xaqiijiso himilooyinkeeda ku aadan in ay magaalada Muqdisho kala wareegto kooxaha islaamiyiinta ee ku kacsan in madaxweyne Sharif isu sharixi doono doorashada inagu soo fool leh .

Qaar ka tirsan mudanayaasha barlamaanka ayaa waxa ay ku doodayaan in madaxweynaha ay mudadu kaga eg tahay horaanta bisha Feb ee sanadka inagu soo fool leh ,mudadaad oo laba sano ka dhigaysa waqtigii uu madaxweyne Sharif loo dhaariyay madaxtinimada dalka halka qaar kale ayku doodayaan in mudada maxtinimada madaxweynaha ay dhamaanayso waqtiga ay dhamaato mudada golaha barlamaanka oo ku eg 22 Augost ee sanadka inagu soo fool leh.

Hadaba Akhriste fikradaada ku aadan inaad taageersan tahay iyo inkale kordhinta mudada madaxweyne Sharif hoos ayaad ka dhiiban kartaa kana dheerow wixii gef ah oo rabi kaa fogaynaya

Related Items


Leave a comment