xaflad lagu sagootinayay gudoomiye kuxigeenka koowaad ee ururka waddaniga soomaaliyeed oo kadhacday dalka suuriya.

Saturday December 18, 2010 - 18:27:51
1 Comments
2198
Super Admin
xaflad lagu sagootinayay gudoomiye kuxigeenka koowaad ee ururka waddaniga soomaaliyeed oo kadhacday dalka suuriya.
xafladaas oo ahayd mid si heersare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa markii u horaysay lagu furay aayadaha quraanka kariimka oo uu akhriyay Maxamuud Axmed qori quraanka kadib ayaa waxaa lagudo galay barnaamijkii xaflada ayadoo uu halkaas hadal qiiro leh uu kasoo jeediyay Maxamed Shiikh cabdi cilmi oo kamid ah xubnaha ururka ayadoo hadalkii uu jeediyay maxamed shiikh cabdi kicisay shucuurtii dhamaan dadkii kasoo qaybgalay xaflada ayadoo qaarkood ay suuxeen qiirodaraadeed qaarna ay ilmeeyeen oo la arkayay ayadoo ay ilmo soo dhaaftay indhahooda. kadib waxaa hadalkii qaatay Maxamed Amiin Omar (Laatiqiya) oo ah wakiilka ururka waddaniga soomaaliyeed ee wadanka suuriya isagoo halkaas kasoo jeediyay hadalo qiimo badan oo iskugu jiray dhiirigalin dhamaanba waddaniyiinta soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan iyo inay xasuustaan wadankoodii hooyo dhibaatada kataagan oo aan ilaa hada soo afjarmin. intaas kadib ayaa waxaa sidoo kale hadal kasoo jeediyay cabdifitaax warsame rooti oo ah ninka u qaabilsan safaarada soomalida ee turkiga qaybta ganacsiga asagoo halkaas kajeediyay hadalo qiimobadan oo waddaninimo kujirto asagoo islameeshii kucadeeyey inuu diyaar u yahay inuu xubinkanoqdo ururka waddaniga soomaaliyeed uuna aad ula dhacay habka isku xirnaanta ururka . waxaa ayaduna hadal kasoo jeedisay Maamo Jamaalo Axmed Xaamud oo kamid ah ururka waddaniga soomaaliyeed ayadoo sheegtay inay dhamaan soomalida meelkasta oo ay joogaan usoo jeedinayso inay wadankooda xasuustaan ilaahna uga baryaan inuu ilaahay wadankooda udajiyo ayadoo sidoo kale kasoo sheekaysay ururkii dhaliyay xornimada dalka soomaaliyee ee la aasaasay 1943 oo ay usoo joogtay waayihiisii.
waxaa kaloo halkaas kahadlay Maxamuud Axmed qori oo kamid ah UWS qaybtiisa suuriya asagoo u dardaarmay dhamaan dhalinyarada inay usoo jeestaan siday dalkooda u dajinlahaayeen qayb libaaxlehna uga qaadanlahaayeen nabada dalka iyo isku keenida dhamaan dadka somalida ah meelkasta oo ay joogaan.
ugudanbayntii waxaa halkaasi khudbad dheer oo dardaaran ah halkaas kasoo jeediyay Cabdullaahi Yalaxow Malin (Shariif) wuxuuna kamahadceliyay sida wanaagsan ee suuriya loogu soo dhaweeyay looguna sagootiyay isagoo intii uu joogay dhawrfadhi kuqabtay magaalada dimishiq oo iskugu keenay dhamaan xubnaha ururka ee kusugan dalka Suuriya iyadoo intii uu joogay ay kusoo kordheen ururka dad aad ufaradan walina ay socoto kusoo biirista ururka, asagoo qiray suuriya inay tahay meesha ururka ugu farabadan marka lagu daro inta maalin walba kusoo biiraysa oo fahantay ujeedada ururka iyo wixii loo aas aasay kadib markii uu dhawrjeer kabixiyay dalka suuriya warbixin iyo wacyigalin. sidoo kale waxa uu xusay inay si wanaagsan iskugu xirantahay bulashada kudhaqan dalka suuriya asagoo mahad gaara u jeediyay xubnaha ururka guud ahaan gaar ahaana kuwii soo abaabula xaflada sagootiska oo ahayd mid aad u qiiro badan.
xafladan oo kudhamaatay jawi wanaagsan ayaa waxaa Camero Man ka ahaa Axmed Maxamed Cali (Bajuu) iyadoo uu xiiririye ka ahaa Suxufi Sare Maxamed Jaamac Nuur(Waran)
Maxamed Jaamac Nuur(waran)
Dimishiq Suuriya
Maxamedjn@hotmail.com

Related Items

Comments


Leave a comment