Mogdisho: 100 maalmood oo Xukumada cusub iclaamisay in ay amaanka Mogdisho kula wareegaso oo bilowday

Sunday December 19, 2010 - 16:42:58
0 Comments
1461
Super Admin
100 maalmood oo Xukumada cusub iclaamisay in ay ku sifayn doonto Caasumada kuna soo afjari doonto Mucaaradka dagaalka kula jira Dowlada ayaa xukumadu sheegtay in uu bilowday, Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Aminga C/shakuur Shiikh Xassan faarax oo saxafada la hadlayey ayaa ka war bixiyey 100 maalmood ee La dagaalanka Mucaaradka waxa uuna
sheegay in ay bilaawday dowlada qorshihii ay balanqaaday oo ahaa in boqol maalin gudahooda ay wax badan kaga qabanayso magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in ay rajaynayaan in muadaasin ay waxbadan ku qabtaan ciidamada dowada KMG Soomaaliya isla markaana gacanta dowlada ay dib ugu soo laabtaan degmooyinka magaalada Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale uu sheegay in mudadaasi ka dib la qorshaynayo in ay dib ugu soo laabtaan magaalada dadkii horay kaga barakacay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.

C/shakuur Sheekh Xasan Faarax ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay dowlada KMG Soomaaliya ay ka go’antahay in Shacabka Soomaaliyeed ay ka difaacdo wax walba oo dhibaato ku keeni kara.

Hadalka Wasiirka ayaa waxa uu imanayaa xili dowlada KMG Soomaaliya ay horay u sheegtay in ay wax ku qaban doonto mudo sex bilood gudahood ah.

Waxaa la sugayaa sida uu ku dhaqan gali karo hadalka dowlada xili haatan xoogaga mucaaradka ay maamulaan inta badan magaalada Muqdisho iyo gobalada dalka Soomaaliya.

Related Items


Leave a comment