Puntland: Baarlamanka puntland Cod aqlabiyad leh Diiday Dhismayaal WFP ka dhisaysay Agagaarka Garoonka Bosaso

Monday December 20, 2010 - 18:35:01
0 Comments
1218
Super Admin
Baarlamanka Maamulka puntland Cod aqlabiyad leh ku laalay Dhismayaal Haya'da World Food Program WFP ka dhisaysay Agagaarka Garoonka Bosaso ee Bandar Qaasim Airport dhismayashaas oo ay haya'du ugu tala gashay Kayd cuno taas oo baarlamanku in dhawaynd hor yaalay ayaa waxay diideen in laga dhiso Agagaarka Airport sababo la xiriira Amaanka iyo Farasamda Airporka

Fadhiga maanta ayaa waxaa shir-gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Puntland Mudane C/rashiid Maxamed Xirsi, iyadoo fadhigana ay soo xaadireen in ka badan 35 Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

Kulanka Baarlamaanka maanta ayaa Xildhibaanada la horkeenay in ay go’aan ka qaataan qodobo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen oo ay ka mid ahayd sidii laga yeeli lahaa Bakhaaro ay Hay’ada WFP dooneysay in ay ka furato gudaha Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, kalsooni siinta Maxkamada Sare iyo Hanti dhowrka Puntland.

Xildhibaanada ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday dhismaha bakhaarada WFP ay dooneysay in ay ka dhisato gudaha Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, waxaana sidoo kale Mudanayaashu ay isku raaceen in ay ansax tahay Maxkamada Sare iyo Hantidhowrka guud ee Puntland oo iyaguna maalmihiii lasoo dhaafey Xildhibaanadu ka doodeen sidii ay ka yeeli lahaayeen.

Baarlamaanka Puntland ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay qabtey shaqooyin farabadan oo ku aadan qodoba muhiim ah oo la soo hordhigay, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen maandooriyaha, tahriibka iyo qodoba kale oo ay ka mid tahay dhismaha bakhaarada WFP.

Mohamoud Abdikadir

Related Items


Leave a comment