Bosaso: Nabadonada Gobolka Bari ayaa Maamulka Puntland ugu baaqay in ay wax ka qabtaan Abaaraha ka jira wadanka

Friday December 24, 2010 - 16:34:55
0 Comments
1097
Super Admin
Nabadonada Gobolka Bari ayaa Maamulka Puntland ugu baaqay in ay wax ka qabtaan Abaaraha ka jira wadanka, Abaarahaas oo ay ku tilmaameen abaaro aad u xoogan oo saameeyey Dhaman noolaha ayaga oo intaas ku daray in abaarto saamaysay Magaloyinka .


Afhayenka Nabadonda gobolka Bari Nabadoon C/casiis Afgaduud ayaa ugu baaqay in maamulku wax ka qabto abaaraha aadka u xoogan ee saameeyey Dadka iyo duunyada sidaoo kale waxaa uu ugu baaqay bulshada ku dhaqan deegaanada Puntland in ay gacan siiyaan walaalahooda dhibaataysan, waxaana abaarahaasi qaylo dhaan ka muujiyay dadkii ku noolaa dhulka miyigi ah.

C/casiis Afgaduud ayaa waxaa uu intaasi ku daray in hadii bulshada ay isku naxariisato Allana uu u naxariisanayo, waxaana uu sidaasi daraadeed ugu baaqay dadka wax haysta in ay gar gaaraan dadka ay dhibaatada abaartu ku haysto qeybo ka mid ah gobolka Bari.

Ma’ahan markii ugu horeysay ay Odayaasha dhaqanka ay ku baaqaan in waxa laga qabto abaaraha dadka badan ay ku dhinteen ee ka taagan deegaanada Puntland kuwaasi oo ay qaylo dhaan xoogan ka muujiyeen dadka iyo duunyada ku dhaqan halka ay abaaruhu ku dhifteen

Related Items


Leave a comment