K/africa: Hub loo soo waday Dalka somalia oo lagu qabtay Magalada Darban ee dalka South Africa

Saturday December 25, 2010 - 11:14:06
0 Comments
1513
Super Admin
Ciidamada Boliska wadanka South Africa ayaa howl galo ay ka sameeyeen Magalada Darbun ee Wadanka South africa waxay ku soo qabteen Hub iyo dad gaarya ilaa 4Qof .

Hubka la qabtay ayaa waxaa ka mid ah 308 qori gacmeed, qoryaha diirada leh ee aan dhawaaqa laheyn iyo hub kale. Iyadoo booliska dalka S/Afrikana ay sheegeen in sidoo kale ay howlgalkaasi ku qabteen 592 qasnadood oo ah nuuca rasaasta lagu qaato.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Booliska dalka S/Afrika oo lagu magacaabo Vincent Mdunge waxaa uu sheegay in warar hordhac oo laga helay baaritaanada ay xaqiijinayaan in hubkaasi laga keenay Jasiiradda Malta, isagoo tilmaamay wali in ay baaritaano ku wadaan hubkaasi iyo halka uu ku sii jeeday.

Dad hubka lagu qabtay ee gaaraya 4-ta qof ayaa lagu wadaa in lagu maxkamadeeyo magaalada Pinetown ee dalkaasi S/Afrika iyadoo wali booliska dalkaasi S/Afrika aysan cadeyn dalalka ay ka soo kala jeedaan dadkaasi hubka lagu qab qabtay.

Warar hoose oo soo baxaya kana madax banaan booliska dalka S/Afrika ayaa sheegay in hubkaani loogo talagalay la dagaalanka burcad badeeda kuna soo jeeday dalka Soomaaliya.

Kooxaha burcad badeeda ayaa maalmihi u dambeeyay waxaa ay ku lug lahaayeen howlgalo isdaba joog ah oo ay ku afduubanayeen maraakiibta iyo doonyaha ganacsi ee isticmaala xeebaha dalka Soomaaliya, Gacan biyoodka Cadmeed iyo badweyne Hindiya.

Related Items


Leave a comment