Puntland: Mamulka Puntland oo sheegay in ay fidinayso Gogol somali oo dhan ku wada hadlaan

Saturday December 25, 2010 - 13:53:02
0 Comments
942
Super Admin
Mamulka Somaliyed ee Puntland ayaa Sheegay in ay diyaar u yihiin inay qabato shirwayne la isugu keeno somali oo dhan laguna xasiliyo dalka somaliye shirkas oo ay ka so qayb galayaan Muacadku

Wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland C/laahi Axmed Jaamac ayaa sheegay in maamulkiisu uu wado qorshe ay ku martigelinayso shir wayne Soomaaliyeed, kaasi oo lagu dhex dhexaadinayo dhinacyada siyaasada ee dalka Soomaaliya.

“Sida aan aaminsanahay Puntland kaalin wayn ayey ku yeelan kartaa xal u helida dhibaatada dalka ragaadisay” ayuu yiri wasiirka oo siyaabo kala duwan warbaahinta ula hadlay.

Waxaa kale oo uu sheegay wasiirku in madaxwaynaha Puntland oo shirkaasi ogolaaday si loo qabto, waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in arintan ay taageeraan.

“Ma aaminsani in ay jiri karaan caqabado arintaa ka hor-imaanaya waxaana leeyahay halaga shaqeeyo midnimada umada sida Puntland oo kale” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxwaynaha Faroole ayaa shir uu kaga qeybgalay Garowe ka sheegay in dowladiisa ay taageeri doonto dadaal kasta oo loo marayo xal u helida dhibaatooyinka dalka ka jira.

Lama oga sida uu xilligan ku suurtageli karo qabashada shir la isugu keenayo Soomaaliya, maadaama aysan jirin siyaasiyiin ishaya, balse ay jiraan dowladda KMG iyo ciidamada Al-shabaab, kuwaas oo in muddo ah ku dagaalamayey cidda u hareysa gacan ku heynta dalka Soomaaliya

Related Items


Leave a comment