BTS: Warbxin Ciyaaraha Semi-finalka Gobolada somalia ee ka socda Caasumada maamulka Puntland

Tuesday December 28, 2010 - 10:32:13
0 Comments
1759
Super Admin
Koobka kubada Cagta ee Gobolada somalia ayaa maraya semi-final ama Afartii gobol ee ugu dabaynta isku arki lahayd.

koobka Kubada Cagta ee Somaliyed oo ay ka qayb galeen ilaa 16 Gobol oo ka mid ah Gobolada dalka somalia koobka oo sacoya 15 bari ayaa waxaa uu yahay mid ku socda hab aad u wanaasan loona riyaaqay Caalamka oo dhan meel ay somali joogtaba, Koobka ayaa hada waxaa isugu soo haray 4 kooxood ee ugu dambeye kuwaas oo ku kala haraya maanta iyo bari ayada oo afarka kooxood labada ka soo baxda maalinta jimcaha ay isugu imaanaya Garoonka mire Awaare Finalka.


Koobkan ay soo qaban qaabiyeen xiiriirka kubadda cagta ee caalamka isla markaasna ay hirgaliyeen inuu qabsoomo kooxda kubadda cagta ee afrika & xiriirka isboortiga soomaaliya ayaa si wanaagsan uga socda magaalada garoowe.

Koobkan waxa ku dhawaad 15 maalmood si habsami leh uga socday halkaas waxaa isu soo harayu 4 gobol kuwaasi oo mid midda kale ku dooneyso inay koobka qaato.

Waxaa koobkan isugu soo soo haray laba gobol oo ka ka tirsan gobollada puntland & Laba gobol oo iyana ka tirsan gobollada Koonfurta soomaaliya,waxaana kala yihiin Bar vs Kismaayo, Banadir VS Nugaal.

Ciyaarta ayaa tan ugu horaysa dhacaysa maanta halka laga rabo in hal koox ka soo baxdo tan kale ayaa ayana dhacaysa bari ayana aga rabaa in ay ka soo baxdo hal koox sida darteed ayaa maalinta khamiista ay ahaan nasasho Maalinta jimcahana la lugu wadaa in la isugu yimado Finalka ama ciyaarta dambaysa ee lagu kala qaadayo KOOBKA hadii eebe idmo.

Mhd hd Gl
BTS ONline

Related Items


Leave a comment