BTS: Cabdi Bile Cabdi Oradyahanka Somaliyed oo maanta lagu soo dhaweyey Garowe

Tuesday December 28, 2010 - 18:24:55
0 Comments
1636
Super Admin
Oradyahanka Caanka ah ee Somaliyeed Cabdi Bile Cabdi ayaa maanta si wayn loogu soo dhaweeyey magalada garowe.

ka dib soo dhawayntii Oradyanka Caanka ah ee Cabdi Bile Cabdi ayaa waxaa uu si toos ah u tagay garoonka kubada cagta ee Mire Awaare Jaamac kaas oo uu maanta kala qayb galay Dadwaynaha Daawashada Ciyaarta Semifinalka ahayd ee ay isku hayeen gobolada Nugaal iyo Banadir oo kala ah Caasumadaha maamulka Puntland iyo Caasumda Dalka Somalia halkas oo Guushu maanta ku raacday Xulka Kubada Cagta banaadir.

Gobolka Nugaal oo soo bandigay Ciyaar wanaag ayaa waxaa looga badiyey Riigoore ka dib markii labada kooxood ay is bari waayeen ciyaartuna ku idlaatay markii lagu daro macaa daqiiqadihii dheeriga ahaa 1-1 halkaas oo riigoorada loo qabtay Gobada ayna ciyaartu ku guulaysatay 5-4 gobolka banadir.

Warbixino ku saasan Oradyanka wayne ee caadka kala soco waqtiyad soo socda warbaahinta BTS Online

Mhd Hd Gl BTS Online

Related Items


Leave a comment