BTS: Raisalwasare Farmajo oo maanta baarlamanka Hortagaya su'aalana lagu waydiin

Thursday December 30, 2010 - 10:14:59
0 Comments
954
Super Admin
kulanka Baarlamanka Somaliya ee maantra ayaa waxaa lagu wadaa in uu hor yimaado Raisalwasaaraha si su'aalo loogu waydiiyo ku aadan shirkadaha shisheeye ee hishiis yada dowladu la gashay .

Maanta waxaa lagu wadaa inuu Raysalwasaaraha soomaaliyauu hortagi doono baarlamaanka isla markaasna ka warbixin doono waxa uu ka og yahay shirkadaha shiisheeye ee dalka lagu heshiiyey inay wax ka qabtaan.

Shirkadahan oo dhawr ah waxaa walaac xoogan ka muujinaya soomaali tiro badan oo isugu jirakuwa jooga dalka iyo dibada ,waxaana ay sheegeen inaysan aqoon micnaha dhabta ah ee wadanka loogu wado in gacmo shisheeye faraha la galaan taas oo maanta laga filayo in baarlamka hortisa uu kaga jawabao Raisalwasaha Somalia Maxamed C/laahi.

Shirkadahan oo ay u horayso shirkada dowladu sheegtay in ay hishiis la gashay dhanka tababarada ciidamada khaaska ah ee waardiyeeya madaxda laguna magacabo Sarecen International.

Qaar badan oo ka mid ah Xildhibaanda ayaa ka soo horjeeda in wax shirkad shisheeya dalka soo fara gashato hase ahaatee waxaa la ogaan doono waxaa maanta raisalwasaraha iyo baarlamku wada go'aamiyo.

Maxamud shikh axamed rajowanag Bts Onlie

Related Items


Leave a comment