Hiiraan: Ciidamada Xuduudka ee Ethiopia ayaa hub ka dhigi Ciidanka Sarkal Dowlada ah

Friday December 31, 2010 - 16:59:51
0 Comments
2369
Super Admin
Ciidamada ilaalada xuduudka u dhexeeya Somalia iyo ethiopia ee magalada Feerfeer ayaa hub ka dhigis ku sameeyey Gudamiye hii hore ee Hiiran Dabada geed iyo sarkaal kale.

Wararka nagasoo gaaraya magaalada B/weyne ayaa sheegaya in hubkii laga dhigay ciidankii ilaalada u ahaa Yuusuf Dabageed iyo Aadan garaase ayaa hubkii ay haysteen lagala wareegay waxaana loo kexeeyay dhanka deegaanka Feer Feer.

Ciidamada Itoobiya oo ka caraysan 6 Askari oo dhawaan looga dilay weerar ay xoogag taabacsan Dowladda KMG ah Itoobiya ugu gaysteen Jawiil ayaa jirdil xoogan u gaystay maleeshiyaadkii hubaysnaa.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in gaadiid dagaal iyo qoryaha baasuukayaasha ah laga qaadatay Maleeshiyaadka daacadda u ah Yuusuf Dabageed.

Odayaal ka soo jeedo Hiiraan ayaa wado abaabul ay saraakiisha Itoobiya dib ugasoo celinayaan hubka ay kala wareegtay dhalinyarada hiiraan ka soo jeedo.

Arrintan ayaa wiiqaysa rejadii dowladda KMG ah ka lahayd qabsashada magaalada B/weyne maadaama uu xumaaday xariirkii kala dhexeeyay itoobiya oo ahayd halka kaliya ee lagasoo abaabuli jiray ciidanka dowlada KMG ah.

Related Items


Leave a comment