BTS: Dhaxalka Puntland ee Martigalinta koobka 18aad ee Gobolada " Warbixin"

Saturday January 01, 2011 - 21:10:47
0 Comments
1351
Super Admin
Maamulka Puntland ayaa ka dhaxlay Mari galinta Ciyaaraha arimo aad u faro badan ayada oo sidoo kale shacabkuna ka dhaxleen sido kale farxad.
Dawlada Puntland ayaa mahad iyo magac ku mutaysatay sida wanaagsan ay ku soo gabagaboobeen cayaaraha Gobolada somaliya oo Garowe muda ka soconayay.

Caasimada Dawlada Puntland intii ay cayaarahan socdeen waxaa soo gaarayay masuuliyiin farabadan, dad magac ku dhaxleh Bulshada dhaxdeed, wafuud ka socotay wadamada caalamka, cayaariyahona katirsanaa xulkii qaranka somaliya , iyo shaqsiyaad muda hore dhulka somaliya ugu danbasay.

Wadooyinka Garowe iyo goobaha bulshada isugu timaado waxaa laga dheehanayay farxada dadka ka muuqata iyo mahada loo celinayo Dawlada Puntland culayska intaa leg ee dhabarka ay uridatay waxaana wadooyinka magaalada si farxad ku jirta isku marxabaynayay dad aan modooyin badan is arag oo cayaarahan kulmiyeen.

“Aniga waxaaan muda ka maqnaa Gudaha somaliya waxaana ugu soo laabanwaayay sababa jira hadana waxaan Garowe ku arkay dad aan mudooyin badan is arag aad baan ugu mahad celiynayaa shacabka iyo Dawlada Puntland waxaa hadalkaas yiri mid kamida masuuliyiintii Garowe soo gaaray.

Wadamada dariskaa iyo wakiilada beesha caalamka ayaa mahad balaaran u soo jeediyay Dawlada Puntland qabashada cayaarahan sida ay sheegeen wasiiro katirsan Xukuumada.

Xiriirka kubada cagta somaliya ayaa dhinacooda wax lagu farxo ku tilmaamay sida cayaarahan ku soo idlaadeen waxaana ay sheegeen in muda dheer ay ku haminayeen in mar ay isku keenaan dhalinyarada somaliyeed.

Madax Dawlada Puntland ayaa dhinacooda Guul ku tilmaamay sida nabada ku dheehantahay ee ay ugu dhamaadeen cayaarahan waxaana ay sheegeen in ay ku faraxsanyihiin in koobka ay qaado Gobolka Banaadir.

Masuuliyiinta ayaa intaa raaciyay in cayaarahan ay Dawlada qabatay ay horseedayso sida Puntland ugu heelantahay isku keenida Somaliweyn raadinta nabada iyo kawaantoobida Colaada.

Related Items


Leave a comment