BTS: Gaafow oo sheegay in xafiisyo ay ka fureen yurub laga qaato Baasaboorka cusub

Sunday January 02, 2011 - 09:53:15
0 Comments
1079
Super Admin
Taliyaha laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Gen. C/laahi Gaafow Maxamud oo Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa Mogdisho ayaa sheegay in ay codsiyo kaga imaanayaa Jaaliyadaha Somalida Yurub.

Janaral C/laahi Gaafoow ayaa xusay in ay ku dadaalayaan sidii ay shacabka Soomaaliyed uga haqab tiri lahaayeen helidda Baasaboorada Electoronikada ah ee dalku leeyahay maadaama ay jiraan dalal badan oo ay jaaliyadaha Soomaaliyeed ku dhaqan yihiin kuwaasi oo si aad ah u doonaya in ay helaan Baasaboorkan cusub.

Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in haatan ay qorsheynayaan in xarumo cusub oo laga helayo Baasaboorka laga hergerlin doono qaar badan oo ka mid ah dalalka Yurub sida Holland iyo xarunta midowga yurub ee Barasalis.

“kaddib markii aan is aragnay aniga iyo safiirka noo fadhiya Talyaaniga ahna safiirka Midowga Yurub noo qaabilsan, waxaan isla garanay in xarumo cusub laga furo dalalka Yurub qaarkood” ayuu yiri.

Taliyaha hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Gen, C/aahi Gaafow Max’uud ayaa daboolka ka qaaday in dalka Koonfur Afrika ay dhibaato badan ka taagan tahay oo ay la kulmaan ganacsatada Soomaaliyeed boob, Jirdil iyo Dil, loona baahan yahay in dadkaasi ay helaan Adeeg Dimlomaasiyadeed.

“Dadkeena ku nool Koofur Afrika waxaa loo geystaa falal Dil, Dhac iyo jirdil ah, waxaan Dowladda ka codsaneynaa in ay safaarad ka furto halkaasi, si dadka ay u halaan masuuliyiin u doodda, annagu Baasaboorka ayaan gaarsiin doonaa” ayuu yiri Taliyuhu.

Dhinaca kale janaral Gaafow ayaa shaaciyey in 1-dii bishaan oo ku beegneyd maalinkii shalay gebi ahaanba la joojiyey Baasaboorkii hore ee cagaarka ayna jirin cid kaga dhooftay garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kaddib markii ay amar ka soo saareen oo ku saabsan in ku dhoofitaanka Baasaboorkii hore la mamnuucay islamarkaana aan garoonka caalamiga Aadan Cadde looga dhoofi Karin.

Related Items


Leave a comment