BTS: Raisalwasare Farmajo ayaa ku armay golaha Xukumada in ay kala cadeeyan Hantidoda iyo tan qaranka

Tuesday January 04, 2011 - 10:38:38
0 Comments
2200
Super Admin
Raisalwasare Maxamed C/lahi ayaa golaha xukumada uga digay in aysan hantida qaranka ka dhigan mid ay lee yihiin sidoo kalena ku amray golihiisa in ay kala cadeeyaan Hantidooda iyo tan qaranka si loo ogaado hantida qaranka sido kale raisalwasaraha ayaa waxaa uu tilmamay in go'aan laga gaaray safarada dibada ee Xukumada .

Max’ed Cabdullaahi Max’ed waxaa uu sheegay in kulankii shalay golaha wasiirada Xukuumada KMG ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ay isku raaceen in howsha ay u qabtaan si habsami leh oo ay ku jirto danta qaranka islamarkaana aan lagu takri falin hantida qaranka taasi oo uu sheegay in uu saxiixayo wasiir waliba.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya waxaa uu soo hadal qaaday safarada ay dalka dibadiisa ku aadayaan wasiirada xukuumada KMG isagoo sheegay in uusan jiri doonin wasiir iska aada dalka dibadiisa ilaa uu ka cadeeyo ujeedka safarkiisa iyo inta uu safarkaasi qaadanayo si loo xadido safarada micno darida ee wasiirada xukuumada.

Hadalka Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya ee ku aadan in lagala saaro hantida shaqsiga iyo mid qaranka ayaa ku soo aadaya xili dhawaan qaar ka mid ah mid ah golaha wasiirada cusub ay xilalkaasi kala wareegeen wasiiradii ka horeeyay oo lagu eedeeyay inay ay ku fashilmeen wax ka qabashada xaaladda Soomaaliya.

Raisal wasaaraha ayaa muujinayo Hormarinta xukuumada ayada oo aysan jirin xukumadii hore muqaal kan oo kale ah ama la xiriira kala xadayta shaaca banaan eeMasuliyinta iyo Hantida qaranka ee u dhaxaysa umada somaliyeed oo dhan .

Shiikh ABukar

Related Items


Leave a comment