BTS: Mahiga oo la kulay Madaxwaynaha iyo Raisalwaraha Somalia Mogdisho

Tuesday January 04, 2011 - 18:50:27
0 Comments
2471
Super Admin
Ergayga Gaarka ee U qaabilsan Jamciyada Qorumaha ka dhaxaysa Mr Obastine Mahiga ayaa soo gaaray Caasumad somali asaga oo kulan la qaatay Madaxwaynaha iyo Raisalwasaarah Somalia.
Ambassador Augustine Mahiga oo ah ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo maanta isaga iyo wafdi uu hogaaminayo Muqdisho yimid ayaa xarunta madaxtooyda ee Villa Soomaaliya waxaa uu kulan albaabadu ay u xirnaayeen kula qaatay Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya.

Kulanka markii uu soo idlaaday ayaa waxaa shir jaraa’id si wadajir ah u qabtay ergayga gararka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiiga iyo ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo kuwaasi oo faah faahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka wadahadleen.

Ambassador Mahiga ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay imaanshiyaha magaalada Muqdisho isagoo tilmaamay in madaxda dowladda ay ka wadahadleen qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen sidii wax looga qaban lahaa xaaladda amaan ee dalka, sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa dalka Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa xaaladda bini’aadanimo iyo abaaraha dalka Soomaaliya, waxaana uu intaasi ku daray Ambassador Mahiga in dowladda laga sugayo in ay la timaado isbadel muuqda 8-da bilood ee u dhiman.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya waxaa uu sidoo kale shirka jaraa’id ku sheegay in muhiim ay tahay in dowladda ay si deg deg ah wax uga qabato xaalada amaan oo tilmaamay in qaramada Midoobay ay ka walaacsantahay, isagoo xusay in ay dowladda la garab taaganyihiin dhaqaalo ay wax kaga qabato xaaladda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi Max’ed (farmaajo) ayaa oo isna luuqada ingiriiska ku hadlay intii uu socday shirka jaraa’id ee isaga iyo Mahiiga ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay imaanshiyaha mahiiga ee Soomaaliya, isagoo shaaca ka qaaday in xukuumadiisa ay ka go’antahay inay la timaado isbadel 8-da bilood ee u dhiman dowladda KMG.

Shirka jaraa’id ee sida wada jirka ah ay u qabteen Farmaajo iyo Mahiiga ayaa kadib Ra’iisul wasaaraha waxaa hadal kooban oo warbaahinta uu siiyay uu ku sheegay in kulankii albaabadu ay u xirnaayeen lagu soo hadal qaaday sidii AL Shabaab looga cirib tiri lahaa dalka Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay ee Augustine Mahiga uu yimaado Magaalada Muqdisho oo ay dagaalo ka socdaan tan iyo markii la dhisay xukuumada Ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, oo sheegtay in 100 maalin gudahood ay dalka kaga sifayn doonaan kooxaha kaga soo horjeeda waa shabaabe

Related Items


Leave a comment