Dowlada federalaka Somalia oo shaacisay Qiimaha Lacgta Xajka ee sanadkaan 2024

Friday February 09, 2024 - 16:00:44
0 Comments
71
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wasaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa soo saartay qoraal ku saabsan qiimaha ay ku xajin doonaan xujeyda Soomaaliyeed ee sankaan 2024.

Qoraalkaan oo ku socday Shirkadaha dulimaadka adeegga xajka ayaa lagu wargaliyay in qiimaha xajka ee sanadkaan uu noqon doono 4430 doolarka Mareykanka.

Qoraalkaan ayaa soo baxay kadib markii guddi khuburro ah oo loo xilsaarat arrimaha xajka ay muddo laba bilood ah ku soo diyaariyeen qiimaha suurtagalka ah ee ku bixi kara xujeyda Soomaaliyeed ee doonaya in ay u safraan Dalka Sacuudu carabiya si ay u soo gutaan wajibaadka xajka.

Qiimahan ayaa wax yar ka hooseeya qiimahii xajka ee sanadkii hore inkastoo dad badan ay qabaan inuu weli yahay mid aad u sareeya marka la eego dalalka kale ee la midka ah Somalia sida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment