BTS: C/salaan Muuse Galal oo la kulmay Gacal Sport Magalada Landon ee Cariga Engiriiska

Saturday January 08, 2011 - 10:28:47
0 Comments
2664
Super Admin
Waxaa fiidkii habeen sabti kulan qurux badan isugu yimi asxaab hore ee kubadda kolayga ku lahaa magac iyo maamuus iyagoo ku soo dhoweynaya Ciyaartoygii hore ee Wershadda Caanaha, Somalitex, iyo Jaamacadaha Cabdisalaan Muuse Xaaji Ismaciil GALAAL iyo Marwadiisa Faai’sa. Casha sharaftan oo lagu qabtay restaurantka bilicsan ee Idman oo ku yaala 288 Uxbridge Rd, Shepherds Bush kuna sifowday adeeg iyo tayo wanaag.

Cabdisalaan oo ka soo jeeda qoys Isboortiga magac dheer iyo taariikh fog ku leh, wuxuu tartamada Cayaareed ku daahfurtay ama ku bilaabay Kooxdii Caanka ahayd ee jaamacadaha kooxdaas oo ka tirsanayd ardayda Machadyada iyo Jaamacadaha Soomaaliyeed waxaan ka tirsanaa ciyaartoy magac dheer ku lahayd K. Kolayga oo ay ka mid ahaayeen Marxuum Cali Kharaab iyo Charles Cagaweyne, Axmed Carab, Cabdisalaan oo da’ ahaan aad u yaraa xiligaas waxaa u suurta gelisay awoodiisa ciyaareed. Cabdisalaan ma cayaarin degmooyin iyo Gobol waxaana ugu xigey markuu ku biiray kooxdii Kubadda Kolayga ee Wershedda Caanaha oo ka mid ahaa kooxii berisamaadka Kubadda Kolayga, oo muddo kadib lagu asaasay naadigii Wakaaladda Madbacadda Qaranka.

Cabdisalaan oo ahaa ciyaartoy aad u ciyaar wanaagsa dhibco badana dhaliya ciyaar kasta, waxaa kooxa badani isku dayeen inuu safafkooda ku biro, waxaana ku guuleystay kooxdii Somalirex oo uu macalin u ahaa Ciyaartoygii hore ee Caanka ahaa, maacalinkii qiimaha badnaa Adaamo.

Cabdisalaan oo aad ugu wanaagsanaa kubadda kolayga iyo Cagta (Football) wuxuuna u cayaaray degmada Hawlwadaag, dhamaadkii tartanka waxaa qaatay macalinkii kooxda K. Cagta ee Badda Alle ha u naxariistee Cumar Canjeyste. Wuxuu Cabdisalaan u cayaaray kooxdii Badda laba cayaarood oo mid ay iskaga hor yimaadeen kooxdii Horseed, oo keliya taasoo ka dambaysay wareegta diideysa in ciyaartoy laba naadi u wada safto. Cabdisalaan oo markaas u cayaarayey naadiga Somalitex (Balcad) wuxuu ku biiray kooxdii K. Cagta ee Somalitex una cayaaray ilaa iyo bilawgii 1977.

Cabdisalaan waxaa loo doortay inuu u ciyaaro kooxda Labaad ee qaranka (junior National Team) markuu macalin ka ahaa Tobias, mase sii sugin. Waxaa cabdisalaan tababare u noqday kooxdii gabdhaha Somalitex, isagoo ahaa kabtanka kooxda wiilasha.

Cabdisalaan oo lahaa himilo fog, wuxuuna ku biiray ciyaartoydii faraha badnayd ee ka dhoofay Soomaaliya wuxuuna 1st May 1977 ka ambabaxay Soomaaliya. Cabdisalaan wuxuu tegey dalka Cumaan, magaalada Muskat, halkaas oo uu ka sii watay hayaankiisii ciyaareed wuxuuna u cayaaray ugu horayn kooxda Al-Nasar Oman kadibna wuxuu ku biiray kooxda Al-Ahly Oman wuxuuna u cayaaray saddex sanadood. Cabdisalaan wuxuu yimi Jaamacadda Liverpool wuxuuna u joogay aqoon kororsi 1982 ilaa 1984 wuxuuna u noqday Cumaan. Waxaa Mar kale Cabdisalaan u Yimi waxbarasho takhasus ah Injineernimo isla Jaamacada Liverpool University sanadlii 1986 wuxuuna dhamaystay1990 isagoo ku takhasusay (process control and instrumentation) oo la xiriirta cilmiga Batroolka. Cabdisalaan wuxuu u shaqayey shirkadda SHELL 1982 ilaa 2002. Wuxuuna kadib ku biiray Wershedda Sahar ee Oman Refineries and Petrochemical Company oo uu ka yahay Injineer sare (senior engineer).

Cabdisalaan oo ah sama fale taageero badan u fideyey dad badan aana jeclayn inuu abaal ama amaan ku sheegto, waxay ahayd munaasabad la kala war qato, sheekooyinkii waayo waayo markii la xusuustay waqtigu degdeg u duul, waxaan geba gebadii si wadajir ah loogu mahad celiyey Cabdisalaan iyo Marwadiisa Faai’sa, sida wax ku oolka joogtada ah ee ugu yihiin safiiro bulahadda isboorti, waxaana loogu ducayey khayr fara badan.

Cabdisalaan oo ka jawaabaya ereyadaas ayaa u mahad celiyey asxaabta qiimaha leh ee casumay wuxuuna dib u milicsaday berya samihii, kalgacaylkii, iyo sidii dadku isugu dhowaayeen. Waxaa cabdisalaan qiray in aaney dhici Karin in la tiro xusuustii hore, dadkuna kala fogayn meelkasta oo ay Soomaaliya ka yimaadeen wexy wadaagaan wax badan.

Waxaa khadka tilifoonka kulanka kalasoo xiriirey Siciido Nuur Abuukar (WIRIIRI) iyo Cabdi Maxamed Ciye (Cabdi Dheere) oo la hadlay dhamaan dadkii goobta joogay. Waxaa kulankii ku dhamaaday farxad iyo rajo nabadeed

Dadkii soo sharfay kulankan waxaa ka mid ahaa:


  1. Cabdisalaan Muuse Galaal iyo Marwadiisa Faai’sa.
  2. Cabdiraxmaan M. Guhaad (Shino)
  3. Maxamed Cali Faarax (Taalyo) Ex Madbacadda
  4. Bashiir Cabdullahi Cali (B Gurey)
  5. Bashiir Sh. Aadan (Sahaan)
  6. Cabdalle Wadani
  7. Abdiweli Siciid (Somalita)
  8. Mahdi Maxamed Xuseen (Elaay)
  9. Miski Cumar Xobor
  10. Luul Aadan Shiido
  11. Safiya M Gudaal
  12. Shukri Dhalbaas
  13. Muna Yuusuf Malindi
  14. Luul Yuusuf Malindi
  15. Manaal
  16. Samsam H. Geele
  17. xasan Faarax (John)
  18. Cabdullahi Bashiir Gurey

Hadii aadan weli aqoonsan waxaa cabdisalaan aabihiis ah Macalinkii dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal I.H.U.N oo dadka iyo dalka Soomaaliyeed abaal u galay taariikh dheerna ku leh. Muuse Galaal wuxuu ahaa Abwaan Hal abuura maansada waxaase badi loo yaqaanaa ururinta Suugaanta Soomaaliyeed iyo aqoontiisa dheer ee luqadaha (Linguistics) waxaana lagu naanaysi jirey Hoyga Suugaanta.

Filo Sawiro Mar kale

Related Items


Leave a comment