Madaxwayne C/raxman farole oo sheegay in Puntland xaq u lee dahay in cid kasta ay hishiis la gali karto

Sunday January 09, 2011 - 10:37:12
0 Comments
1027
Super Admin
Madaxwaynaha maamulka Somaliyeed ee puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud "Faroole" Ayaa shaaciyey in maamulka puntland cidii uu u arko in ay wadanka iyo Maamulka dan ugu jirto la galayso hishiis ayada oo aan cid u daba fariisan doonibn.

Faroole waxa uu xusay in shirkadaha ay heshiis ay la galeen waxaa uu shaaca ka qaadey inay shirkadaasha wax tar & faa'ido ka sameynayaan dalkooda,waxaana uu sheegey inay xaq u leeyihiin inay heshiis la galaan.

Waxaa uu sheegey inay shirkadaaha qaarkood ay tababaro u fidinayaan ciidamada Puntland oo nooc kasta ah,waxaana u sheegey inay shirkadahaasi gacan ka geysanayaan sidii gacan loo siin laha dhinaca amaanka.

Waxaa uu Madaxweyna Faroole ku goodiyey inuusan cidna u daba fadhiisan doonin inuu heshiis la galo shirkado waxtar ku soo kordhinaya xukumadiisa.

Dhawaan ayaya ahayd markii Diyaarad saanad mileteri wadaa oo shirkado shiiisheeye lahayeen oo si qaldan u soo fariistey Hargeysa taasi oo ciqaab la kulantey balse ku socotey Puntland,waxaana ka dhashay muran badan

Puntland ayaa hada ah maamul ka tirsan Somalia hadana xasiloon oo ah mid laga dareemayo jawi iska dagan oo somali ku tashato Puntland waxay dhib ka soo wajahday Burcad badeeda ayada oo caalanka u qaylisay hase ahaatee aysan waxa ka qaban halka maamulku hada la hishiyey Shirkada ajnabi ah.

Axmed Saciid Uganada kampala BTS online

Related Items


Leave a comment