BTS: Qarax lala Beegsaday Ciidamda Dowlada Xaafada Wadajir ee Caasumada Dalka somalia

Monday January 10, 2011 - 17:07:39
0 Comments
1016
Super Admin
Qarax khasaaro gaystay ayaa lala eegtay ciidamada dowlada ee ku sugan Xaafada Wadajir ee magalada Caasuamda ee Dagaalku hareeyey Mogdisho.

Qaraxaan ayaa wax uu ahaa bambaanada nuuuca gacanta laga tuuro waxaana lala eegtay goob ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo ku taala suuqa wayn ee dedmada Wadajir.

Mid ka mid ah hawaynkii ka agdhowaa halka uu qaraxa ka dhacay oo lahadashay warbaahinta ayaa waxa ay sheegtay in qaraxaan laga tuuray gaari nuuca Soomaalidu u taqaan Homay ama Buska .

Waxa ayna sheeegtay in ay indhaheeda ku aragtay dhimasho iyo dhaawac badan, iyadoona sidoo kale sheegtay in dadka geeriyooday uu ku jiray askari ka tirsan ciidamada dowlada KMG Soomaaliya.

Qaraxa markii uu dhacay ka dib ayaa ciidamada dowlada KMG Soomaaliya waxa ay soo gaareen halka uu qaraxa ka dhacay waxaana la sheegay in ciidamada dowlada ay gacanta ku dhigeen gaarigii laga dhextuuray qaraxaasi.

Ilaa waqtigaan wax jawab ah kama soo bixin Dhanka dowlada ee askartooda lala beegsaday qaraxa ayada oo khashaaruhu yahay mid aan wali si tos ah loo xaqiijin ilaa mooyeen dhimasho koban oo hal askari

MCH Boondheere mogdisho BTS

Related Items


Leave a comment