BTS: War martiyeed ay soo saareen Odayasha Sool iyo Cayn ayaga oo ku sugan Casumada puntland Garowe

Monday January 10, 2011 - 21:00:21
0 Comments
1293
Super Admin
Odayaasha Dhaqanka Gobolada Sool iyo Cayn ayaa kulan ay maanta isugu yimaden Magalada Garowe waxay ka soo saareen War murtiyeed .

Kullan Odayasha oo war muriyeedka ayku dhaliilayaan madaxweynaha Somaliland iyaga oo sheegay in madaxweyne Siilanyo ku eedeeyay inuu dharkii iyo lebiski lagala degay diyaaradii dhowaan lagu qabtay magaalada Hargeysa loo geliyay maleeshiyadkii dagaalka ka waday Kalshaale isla markana tababar la siiyay iyaga oo fariisomo looga sameeyay degaankas,waxayna sheegeen in arrintani ay keeni doonto nabad gelyo xumo iyo barakac ka dhasha Colado cusub.

Waxayna soo jeediyeen soo looga bad baado dhibaatoyinka in la joojiyo is balaarinta isla markana ciidamada laga saaro dhulka gardarrada lagu haysto, waxa sidoo kale ay soo jeediyeen in la bur buriyo baraagaha iyo dhismayaasha kale ee ka dhisan kalshaaele, kal shaalene ay tahay meel ay beeli u leedahay soo jireen ,Waxayna ugu damayntii ugu baaqeen shacabka reer Somaliland in ay ka feejignaadeen waxkasta oo amni darro keeni kara ee ka so wajaha dhanka colaadaha la hurinayo.

Odayaasha hadalkooda ayaa ku soo beegmaya ka dib markii uu go'aamo ka soo saaray Madaxwayne Axmed Maxaed Maxamuud Siilaanyo Deegaanada kalshaale iyo Maygaagle oo uu sheegay in ay tahay hada wixii ka dambeeya Xarumo Ciidan ee Dowladu lee dahay.

Maxamed Cawad Garowe

BTS Online

Related Items


Leave a comment