BTS: Nin u dhashay Dalka Zenbawi oo lagu dilay Galkacyo

Thursday January 13, 2011 - 11:40:41
0 Comments
929
Super Admin
Kooxo hubaysan ayaa Xalay ku dilay si bareer ah Magaalada galkacyo Xarunta Gobolka Mudug nin ajnbai ah oo u dhashay Dalka Zembabwi ka dib markii ay u adeeg sadeen bistoolad.

Ninkan dilka loo geystey ayaa la xaqiijiyey inuu ka hawlgali jirey koonfurta magaalada Galkacayo,waxaana uu halkaasi ka shaqeynayey mudo isagoo si caadi ah uga shaqeyn jiray shirkad kaluumeysi oo lagu magacaabo Iidaan.

Ninkan waxaa xalay maqribkii toogtey kooxo dablay ah oo aan haybtooda la aqoon,waxaana la sheegey inay baxsadeen markii ay dilkaasi fuliyeen.

Ninkan ayaa la xaqiijiyey inay dhawr nin oo bistoolado ku hubeysan madaxa ka toogteen isla markaasna ay ka baxsadeen meeshi ay dilkaasi ka geysteen.

Masuuliyiinta Shirkada kaluumeysiga ayaa sheegey inay dilka ninkaasi ku tuhunsan yihiin inay ka dambeyeen qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadu isla markaasna ku murmeen dhaqaalaha lacageed ee shirkadaasi ka soo baxda ,taasi oo keentey inay ninkaasi ajinebiga ah ku dilaan gudaha shirkada.

Ciidamada booliska galmudug ayaa ku hawlan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayeen dadkii ka dambeyey dilkaasi,waxaana ay sheegeen inay raad hayaan.

Cigaal Ahmed

Related Items


Leave a comment