BTS: Kullan ay yeesheen Madaxwaynaha Somaliya iyo Saraakil Ciidan Mogdisho

Saturday January 15, 2011 - 10:44:04
0 Comments
1295
Super Admin
Madax isugu jirta kuwa dowlada oo ay ka mid yihiin Saraakiil iyo Madaxwaynaha ayaa kulan ay ku yeesheen Caasumda waxay kaga hadleen sida wax looga qaban lahaa Amaanka iyo sida wadanka looga soo afjari lahaa Xarakoyinka Mucaradka sida shabaab
Sida ilo lagu kal soonyahay ay u sheegeen Idaacadda Shabelle, saraakiil iyo Janaraalo ka tirsan ciidamda dowladda KMG Soomaaaliya oo maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa shalay galinkii waxaa ay kulan saacado qaatay ay la yeesheen Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kusimaha Ra’iisul wasaaraha ahana wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Fiqi iyo Mas’uulyiin kale oo ka mid ah dowlada KMG Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid albaabada u xiran ayaa waxaa la sheegay in looga hadlayay dib u dhiska iyo qalabaynta ciidamada dowladda iyo sidii loo bilaabi lahaa howlgal dagaal oo ka dhan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo maamusha gobolo badan oo ku yaaala Koofurta iyo Batamaaha Soomaaliya.

Saraakiisha iyo Janaaralada oo tiaroodu ay gaarayso 12 oo ay wehliyaan 3-Haween ah oo u qaabilsan howlaha Caafimaadka ayaa waxaa hogaaminaya Janaral magaciisa lagu soo koobay Caare, waxaana la sheegay in kulamada ay la qaateen madaxda dowladda oo intooda badan looga hadlayay arimaha amaanka isla meeldhigeen waxyaabo halka kuwa kalana oo aan wali la shaacin ay dhimanyihiin.

Maalin ka hor ayay aheeyd wasiirka gaashaan dhiga Xukuumadda KMG Soomaaliya oo saxafiyiinta kulan hadlayay magaalada Muqdisho uu sheegay in dowladda ay ka go’antahay in ay dib u soo celiyaan Amaanka Dalka somaliya

Axmed khayr shabel
BTSOnline

Related Items


Leave a comment