BTS: Madaxda Tunisia oo iska casishay Xilka Xisbiga talada Haya

Wednesday January 19, 2011 - 10:34:52
0 Comments
1549
Super Admin
Madaxwaynaha iyo Raisalwasaaraha Dalka tunisia ayaa iska casilay xilalka xisbiga talada haya ee wadanka Tunisia.
Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalka Tunisiya Fu’aad Almubsic iyo raysal wasaare Maxamed Alqanuushi ayaa gudbiyay iscasilaadoodii ay iska casileen xisbiga Altajamuc Al dastuuri oo a h xisbigii uu hogaamin jiray madaxweynihii Saynal Caabidin Bin Cali kaas oo kacdoon ay dadweynuhu sameeyeen taliskii dalkasi lagaga tuuray

Waxaa sidoo kale Xisbiga Altajamuc Aldastuuri uu go’aamiyay in xubintinimada ururkan laga saaro madaxweynihii hore ee dalka Tunisiya iyo lix ka mid ah qaraabada madaxweyne Bin Cali

Kumanaal qof oo banaan baxayaal ah ayaa mudaaharaad ka sameeyay magaaloyinka ugu waaweeyn ee dalka Tunisiya kuwaas oo dalbanaya in dawlada cusub laga saaro xubnaha ka tirsan xisbigii hore ee uu hogaamin jiray
madaxweyne Sayn Al caabidin Bin Cali

Afar wasiir oo ka tirsanaa dawladii cusubayd ee raysal wasaare Qanuushi ku dhawaaqay Isniintii aynu soo dhaafnay ayaa shalay sheegay in ay iska casileen dawlada cusub ,iyaga oo ka cabanaya in lagu soo daray wasiiro horay uga tirsanaa xisbigii madaxweynihii hore ee dalkaasi Sayn Alcaabidiin oo lagu soo daray dhismaha dawlada cusub

najiib bts Online

Related Items


Leave a comment