BTS: Ciidanka La dagaalanka Burcad badeeda ayaa biriga Mudug ku weeraray dad ay uga shakiyeen Burcadnimo

Thursday January 20, 2011 - 10:39:17
0 Comments
1224
Super Admin
Ciidamada la dagaalanka Burcad Badeeda somalida ee ku sugan xeebaha somaliya gaar ahaan kuwa Mudug ayaa weerar ku qaaday Niman dhalin yaraa oo ay uga shakiyey Burcad xilli ay joogeen Biriga wateen gaari.

Hawlgal ciidamada ameerikaanka ah ee ku sugan xeebaha dalka soomaaliya gaar ahaan xeebaha gobolka mudug ayaa gacanta ku dhigey dhalinyaro soomaaliyeed oo ay uga shakiyeen inay burcad badeed yihiin.

Dhalinyaradan ay gacanta ku dhigeen ciidamada mareykanka ee ku sugan xeebaha degmada Xarardheere ayaa sheegey inay ciidamadaasi ka qabteen beriga isla markaasna meel wax 18 u jirta degmada Xarardheere.

Mid ka mid ah dhalinyaradaas ayaa sheegey inay ka war heleen diyaarad nooca dagaalka ah oo ku soo ag degtey isla markaasna ay ka soo degeen 5 nin oo hubeysan isla markaasna ka mid ah ciidamada mareykanka.

Waxaa uu wiilkani sheegey inay gaari wateen iyagu isla markaasna ku socdeen Tuulada Gaan ee duleedka xarardheere,waxaana uu sheegey in markii diyaaradu soo degeysey uu ka xumaadey gaarigu isla markaasna ciidamadaasi gacanta ku dhigeen weydiiyeena inay ka tirsan yihiin burcad badeeda.

Waxaa uu sheegey inay ciidamadaasi jeebo ku jabiyeen isla markaasna saareen markab nooca dagaalka oo baddda yaala isla markaasna ay saaran yihiin diyaarado dagaal oo badani,waxaana uu sheegey markii markabak lala dul tagey in sawiro laga qaadey isla markaasna loo sheegey in sawiro lahayo ayna mid yihiin burcad badeeda.

Waxaa kale oo ciidamadan mareykanku weydiiyeen xiriirka ka dhexeya Alshabab & burcad badeeda ,Iyo meelaha ay lacagaha ay maraakiibta ka qatan ku fan gareyaan,waxaana uu sheegey wiilkasi inaysan ka warqabin meelaha lacagtasi gasho.

Markii dambe waxaa sarkaalkii watey ciidamadaasi ku amrey in wiilashaas lagu celiyo meeshii laga soo qaadey isla markaasna,waxaa uu ku war galiyey hadii mar dambe gacan lagu dhigo in talaabo adag laga qaadi doono.

Warsame Shirwac

BTS Online

Related Items


Leave a comment