BTS: Kuuriyada Koonfured oo sheegtay inay ku wareejin maydadka Burcad Somaliya Safarada somalida Cuman ka dib markii ay diiday Kenya in ay qabato

Monday January 24, 2011 - 20:23:56
0 Comments
1036
Super Admin
BTS: Kuuriyada Koonfured oo sheegtay inay ku wareejin maydadka Burcad Somaliya Safarada somalida Cuman ka dib markii ay diiday Kenya in ay qabato

Dowladda Koofur Kuuriya ayaa sheegtay in dhawaan ay Soomaaliya ku wareejin doonto meydka 8 burcad badeed ah oo dhawaan ay ku dileen howl gal ay ku soo furteen markab ay burcad badeeddu ka afduubatay.

Saraakiil ka tirsan dalka Koofur Kooriya ayaa sheegay in ay wada hadal kula jiraan Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Cumaan, kaas oo lagu doonayo in lagu soo wareejiyo meydka 8 qofood oo howlgalka ciidamadu ay sameeyeen ku geeriyooday.

Wasiirka difaaca ee dalka Koofur Kooriya ayaa sheegay in 5 ka tirsan burcad badeedda oo ay gacanta ku hayaan ciidamada waddankaasi ayagoo bed qaba la soo taagi doono maxkamad ku taalla gudaha dalka Koofur Kuuriya, kaddib markii ay iska diidday dowladda Kenya oo maxkamadeyn jirtay burcad badeedda.

Ciidamada Badda ee dalka Koofur Kuuriya ayaa dhawaan xoog ku soo furtay markab lagu magacaabo Sahmo Jowleri oo ay burcad badeeddu afduubteen, xilli ay la socdeen 21 shaqaale ah.

Msul Cali BTS online

Related Items


Leave a comment