BTS: Shirka Midowga Africa ayaa si rasmi ah maanta u furmay magalada Addis Ababa

Sunday January 30, 2011 - 20:05:57
0 Comments
1019
Super Admin
Xaraunta Dalka Ethoipia ee Addis ababa waxaa si rasmi ah uga furmay shirka 16aad ee ururka Midowga Africa .

Shirkaan ka furmaya magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladaha ku soo kordhay qaaradda Afrika oo ay ka mid yihiin dhacdooyinka ka dhacaya wadamada Masar, Tunuusiya , Ivory cost , xaaladda ammaan darro ee Soomaaliya iyo arrimo kale.

Waxaa habeenkii xalay ahaa la soo gabagabeeyay Shirka wasiirada arrimaha dibadda ee Afrika, kaas oo gogol xaar u ahaa ajandaha ay ka hadli doonaaa madaxda qaaradda Afrika ee maanta shiraya, sidoo kale waxaa jiray kulanka kale oo ay yeesheen masuuliyiinta madaxda wadamada Afrika kaasi oo uu madaxweynaha Soomaaliya ka qeyb galay.

Siciid Yuusuf Nuur oo ah safiirka Soomaaliya Itoobiya u fadhiya ayaa sheegay in shirkaas gaarka ah looga hadlay sidii loo abaabuli lahaa ciidamo ay leeyihiiin wadamada Bariga Afrika kuwaas oo loogu tala galay in ay u gurmadaan wadankii dhibaato ka dhacd a oo ka mid ah Bariga Afrika.

Waxaa la filayaa in shirkaan madaxda Afirika la soo gebagebeyn doono maalinta berri to ah ayaa marka uu soo dhamaado ayaa waxaa furmi doona kulan heerkiisu sareeyo oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya.

Kulankaasi ayaa waxaa lagu wadaa inuu furo xoghayaha guud ee Qaramada Midodoobay Banki Moon iyo Gudoomiyaha midowga Afrika Jen Bin, iyadoo kulankaasi looga hadlayo sidii loo kordhin lahaa Ciidamada AMISOM ee ka hiowlgalaya Soomaliya, loona gaarsiin lahaa ciidamadaasi ilaa 20-kun oo Ciidan.

Abdihakin Mire

BTS online

Related Items


Leave a comment