Munaasabad ballaaran oo lagu waynaynayo dhalashadii suubanaha NNKH ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Den haag ee Dalka Holland .

Monday February 21, 2011 - 20:14:30
0 Comments
2610
Super Admin
Munaasabad ballaaran oo lagu waynaynayo dhalashadii suubanaha NNKH ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Den haag ee Dalka Holland .

Ixtifaalka mowliidka ayaa waxaa lagu furay aayadaha qur’aanka kariimka iyo qasaaido nabi ammaan ah , ayadoo si isdaba joog ah ay u bilaabatay qudbadihii diiniga ahayd iyo siiradii nabigeena muxammed SCW .

Culumaaudiin farabadan oo ka qeybgalay munaasabadaasi diiniga ahaa oo ay kamid ahaayeen

1.Shiikh Bashiir C/qaadir

2.Sheikh Siciid C/laah

3.Sheikh Maxamed Mahdi

4.Sheikh Yuunus sheikh abiikar

5.Iyo mashaaikh kale

Dadweyne farabadan oo ka kala socda qeybaha kala duwan ee bulshada sida mashaaiq , Aqoonyahanno , waxgarad , dhalinyaro , haween oo ka kala yimid magaalooyin farabadan oo kamid ah dalalka Holland iyo Germany ayaa munaasabadaasi ka soo qeybgalay .

Mawaadiicda diiniga ahayd oo dhamaantood kawada hadlayeen siiradii nabiga SCW , Mucjisadiisii , Amaantiisii , fadligiisii .

Shiikh bashiir oo ka hadlay mowduuc ku salaysan adilada mowliidka ku soo aroortay iyo in umada islaamku ay u ixtifaalaan dhalashada nabigooda SCW , waxa uuna tibaaxay in Ilaahay SWC uu waynaeeyey nabigiisa isla markaana umadda uu ku amray in lagu salliyo , raxmadna uu u ahaa khalqiga sida ilaahay uu qur’aankiisaba uu ku sheegey umaduna loogu galadaystay ama loogu manaystay nabiga SCW.

Sh.Maxamed Mahdi ayaa waxaa uu si wayn ugu dheeraaday fadaaishii lagu khasisay nabiga scw , mucjisadii u gaarka ahayd iyo siirada nabiga SCW

Shiikh siciid ayaa mowduuc ka hadlaya Fadliga nabiga iyo jaceelka nabiga SCW halkaasi ka soo jeediyay isagoo umadii ka qeybgashay aad uguga hadlay in nabiga SCW la jeclaado lana raaco wadadiisii uu maray si liibaanta aduunyada iyo midka aakhira loo helo . Salliga Nabiga NNKH la badiyo .

Siiradii Nabiga SCW oo afka carabiga ku qoran ayaa halkaasi mashaaiqdu ka aqriyeen oo ah CADIRTA , si marwalba loo xafidsanaado siiradii nabigeena scw , si waynna umadda looga faaiideeyo .

Munaasabada mowliidka Ee ka dhacday magaalada Den hag ee dalka Holland ayaa waxaa soo qabanwaabiyay masuuliyiin iyo aqoonyahnno farabadan oo dagan magaaladaas iyo magaalooyin kaleba waxaana kamid ahaa :

Md: Maxamed Muuse

Md socdaal

Md Xudubeey

Col : Axmed xaaji

Md : Cabdihakin Cali osman

Md: Mahdi Maxamed sheikh

Md : Daahir Aways

Md: Maxamed Axmed Nuur fiyaad

Md: Cabdikariim Axmed jaamac KATAANGA

Shariif cumar

Mr Abdiwali Axmed Diiriye

Eng: Ali khaliif Faarax

Md Xasan Xudun

Dhinaca kale waxaa banaanbax lagu waynaynayo Dhalashada nabiga NNKH aya waxa boqolaal dadweyne ah oo ka tirsan jaaliyada muslimiinta ah eek u dhaqan magalada den haag ee dalka Holland ay ku mareen wadooyinka waaweyn ee magaaladaasi .

Dadkan muslimiinta ah ayaa waxa ay wateen calaamadaha islaamka sida calanka muslimiinta , calamo dalalka ay ka soo jeedaan iyo qamiisya cad cad , ayagoo nabi amaanno ku aqrinayey makrafoono waaweyn . waxayna dadkani isugu jireen jaaliyadaha dalalka Asia iyo Africa iyo kuwa kale.

Isku soo wadaduuboo , Xafladii nabiga SCW oo socotay muddo 6 saac kor u dhaafaysa ayaa waxaa ay ku soo idlaatay farxad , rayrayn iyo nabi amaanno farabadan oo ay mashaaiqdu qaadayeen iyadoo si wada jira loogu duceeyey dalkeenna soomaaliya in ilaahay dhibaatada uu ka kor qaado sida Dagaalada iyo abaaraha uuna ugu badalo barwaaqo iyo xasilooni . ILAAHOOW NOO AQBAL AMIIIN AMIIN AMIIN .

Waxaa xusid mudan in Munaasabadaha mowliidka nabiga scw loo dhigay aysan kaliya ka dhicin magaaalada den haag balse ay ka dhacayaan magaalooyin iyo waliba tuulooyin katirsan dalkaani iyo wali guud ahaan qaarada yurub oo idil , waxayna muslimiinta aduunku muujinayaan farxada ay u qabaan dhalashada nabigeena SCW .

W/Q : Wariye Ahmed Mahdi (Ahmed Khadar)

Email :axmedmbc@hotmail.com

Related Items


Leave a comment