Ciidanka Dowladda iyo AMISOM oo Qabsaday Xarumo Muhiim ah

Wednesday February 23, 2011 - 13:18:25
0 Comments
1288
Super Admin
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dawladda federaalka ayaa lagu sheegay in ciidamada Dawladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen saldhigyo muhim ah oo ay horey ugu sugnaayeen Xarakada al-Shabaab, gooabaha ay qabsadeen ayey ku sheegeen warsaxaafadadeedka, Wasaaraddii Gaashaandhiga, Xarunta Shiirkole, Wershadii Caanaha iyo meelo kale, wararka u danbeeyey ayaa sheegaya in ciidanka AMISOM ay la waregeen xeradii guulwadayaasha.

Ciidanka Dowladda oo ay taagerayaan Nabad-ilaaliyeyaasha Midowga Afrika ayaa saakay la wareegay xaruntii istiraatiijiyadeed ee kooxda xagjirka ah ee Al-Shabab.

Ciidanka Dowladda oo ay taageerayaan qaar ka tirsan ciidan ka mid ah nabad-ilaaliyeyaasha ka socda dalka Burundi ayaa qabsaday dhismihii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo kooxda xagjirka ah u adeegsaneysa bar ay saadka iyo howlgallada u adeegsadaan.

Waxay sidoo kale qabsadeen dhismihii hore ee Warshadda Caanaha iyo dhismihii hore ee Xarunta Saraakiisha (Shiirkole Ofishaale), iyadoo tallaabooyinkaasi qeyb ka ahaayeen guulo waaweyn oo ciidanku ka soo hooyeen dhinaca waqooyi galbeed ee magaalada.

Ujeedka weerarkan wuxuu ahaa in la baabi’iyo awoodda kooxdan u leedahay inay ku dhuumato shacabka gadaashiisa. Waxaana la filayaa inuu yareyn doono khasaaraha soo gaara shacabka.

farax Abdi lugay BTS

Related Items


Leave a comment