Jaliyada Puntland ee dalka Holland oo isugu yimi kulan ay uga hadlayeen Dagaalkii Kalshaale {sawiro}

Monday February 28, 2011 - 13:18:14
0 Comments
947
Super Admin
Jaliyada Puntland ee dalka Holland oo isugu yimi kulan ay uga hadlayeen Dagaalkii Kalshaale {sawiro}

Kulan balaaran oo ay isugu yimadeen jaliyada Puntland ee Dalka Holland ayey ugu hadleen dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Kalshaale ee Gobalka ceyn kulankaa ayaa canbaareyn dusha looga tuuray mamulka somaliland waxaana meesha lagasheegay inay masuuliyadeeda qadayaan wixii halkaa ka dhacay .

dadkii meeshaas ka hadlay ayaa sheegay inaysan jirin xuduudo qolo gooniya loo calamadeeyey, gumaystihiina uu san dhul la iman soomaaliya balse dadku ay ukala dagan yihiin beelo beelkastana xaq u leedahay inay deegaankeeda maamulato cidnana aan lagu khasbi karin wax aysan rabin .

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay qeybaha kala duwan ee bushada sida aqoonyahanada ,odayaasha ,haweenka iyo dhalinyarada , dadkan kala duwan ayaa mamulka somaliland ka codsaday inay joojiyaan dagaalka ay ka wadaan deeganadaas .

Ugu danbayntii ayaa halkaa laga soo jeediyey in aan loo bahnayn dhiig danbe oo somaliyeed oo daadta isla markaana qolo walba ay ayadu xaq u leedahay inay katashato aayaha deeganka ay ku noolyihiin anan loobaahnayn inay cidna cid qabsato .

Related Items


Leave a comment