Jaamacadda Carabta oo ku baaqday in wax laga qabto Somaliya

Saturday March 12, 2011 - 01:02:48
0 Comments
950
Super Admin
Jaamacadda Carabta oo ku baaqday in wax laga qabto Somaliya

Dubai: Wadamada isu taga Imaaraadka Carabta ayaa beesha Caalamka u jeediyay in la qaado talaabo deg deg ah oo lagu soo celinayo nabadda iyo kala dambeynta Soomaaliya.

Axmed Al-Jarman oo ah Wakiilka Jaamacadda Carabta u qaabilsan golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa daaha ka qaaday in beesha Caalamka looga baahanyahay inaysan indhaha ka fiirsan xaaladda faraha kasii baxaysa ee Soomaaliya sida dagaalada, amni darida iyo waliba dhibaatooyinka kale ee ka jira wadanka Soomaaliya.

“Waxaan la soconaa 2-Milyan oo ruux inay ka barakaceen guryahoodii, waxaa jira dad farabadan oo u nafwaayay dhibaatooyinka gaajada sida macluusha, waxaasi oo dhan waa wax is biirsaday, waxaa noogala baahanyahay in laga gudbo, xalka looga gudbi lahaa waa mid ay ka shaqayn karto beesha Caalamka” ayuu yiri Axmed Al-Jarman.

Al-Jarman ayaa waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in la qaado talaabooyin deg deg ah oo wax looga qabanayo xaaladda dalka Soomaaliya, waxana uu tilmaamay in isu taga Imaaraadka Carabta ay si hoose ula socdaan xaaladaha ka jira Soomaaliya, waxaana uu mar kale ugu baaqay beesha caalamka in mar kale ay bilowdo dib u hishiisiin iyo is fahan dhexmara qeybaha kala duwan ee Soomaalida iyo in la taageero dowladda KMG Soomaaliya.

Hadalka kasoo baxay isu taga Imaaraadka Carabta ayaa imaanaya xili beesha Caalamka baaqyo kala duwan ay kasoo baxayaan taasi oo ku aadan sidii loogu gurman lahaa dalka Soomaaliya islamarkaana looga saari lahaa dhibaatooyinka 20-ka sano ka jira Soomaaliya.

omar jama BTS

Related Items

Leave a comment