Ban ki-Moon oo ku baaqay in la taageero dowladda Somaliya

Saturday March 12, 2011 - 01:23:53
0 Comments
1299
Super Admin
Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa ka fariistay arrinta Soomaaliya, waxaana fadhigaasi looga hadlay xaaladda amni, mida bini`aadamnimo iyo waliba howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka fuliyeen caasimadda Muqdisho iyo gobolada koonfureed ee Soomaaliya.
Fadhigan oo uu shir gudoominayay hogaamiyaha Qaramada Midoobay mr. Mab Ki-Moon ayaa sheegay in ay maanta kaga dhowdahay Soomaaliya oo cageheeda ku istaagta mudadii 20-ka sano ee colaadu dalkaasi la dagtay.

Waxa uu amaanay howlgadda dowladda federalka iyo ciidamada AMISOM ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya isagoona ugu hambalyeeyay guulaha ay howlgalladaasi kasoo hoyeen.

Xubnaha joogtada ah ee Golaha Amaanka ayuu ugu baaqay in la garab istaago dadaalada socda ee lagu doonayo in Soomaaliya ay dib cageheeda ugu is taagto, waxaana uu ku booriyay in gacan la siiyo dowladda soomaaliya.


Guulahan laga soo hoyay howlgalladii ugu dambeeyay waa in aan la dayicin oo la daba socdaa, sidoo kale waa in dhinacyada amniga, gar-gaara iyo adeega bulshada laga hirgeliyaa goobaha cusub ee soo galay gacanta dowladda", ayuu yiri mr. Moon .

Howlgalladii ugu dambeeyay ee guudha ku gaartay dowadda ayaa waxaa ku nafwaayay tobaneeyo ka tirsan ciidamada AMISOM, waxaana howlgallo la mid ah kuwa Muqdisho ay sidoo kale ka socdaan gobolada J/hoose, Gedo iyo gobolada dhexe.

Kooxda Al-Shabaab oo dagaalkan lagula jiro ayaa laga qabsaday dhowr xaafadood oo Muqdisho ka tirsan iyodaana magaalooyin dhaca xuduuda Kenya iyo Soomaaliyana laga qabsaday.

Boqolkiiba 70% ayaa iminka la sheegayaa in magaalada Muqdisho ay ku jirto gacanta dowladda, halka ay horay kaga sugneyd oo kale boqolkiiba 40% .


BTS

Related Items


Leave a comment