Diyaarado dulwareegaya Xadka Kenya iyo Somaliya ee dhinaca Diif

Sunday March 13, 2011 - 16:34:47
0 Comments
1452
Super Admin
Diyaarado dulwareegaya Xadka Kenya iyo Somaliya ee dhinaca Diif

Diif: Diyaarado ay leeyihiin Ciidamada dowladda Kenya ayaa dul heehaabaya Xuduudka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo ciidamo badan lasoo dhoobay Xuduuda Kenya ee dhinaca Diif.

Wararka laga helayo Xadka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan deegaanka Diif iyo degmada Dhoobleey oo Xad laleh Kenya waxaa ay sheegayaan in diyaarado Helikoptar ah oo ay leedahay dowladda Kenya ay dulheehaabayaan Hawada degaanadaasi.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ciidamo farabadan oo Keenyaati ah oo sita Taangiyo iyo gaadiid dagaal ay xireen gabi ahaamba Xuduuda ay la wadaagaan Soomaaliya, iyadoo arintaasi ay saamayn balaaran ku yeelatay dadka iyo gadiidkii isaga kala gowshi jiray Xadka la xiray.

Dhinaca kale waxaa maanta degan xaaladda deegaanka Diif oo shalay ilaa iyo xalay ay ku dagaalameen ciidamo ka kala tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Ururka Raaskambooni, iyadoo deegaanka Diif ee gobolka Jubada hoose ay gacanta ku hayaan ciidamada Ururka Raaskambooni.

Dadka ku sugan deegaanka Diif ayaa waxaa ay hadal hayaan Helekoptaradaani dul heehaabaya hawada deegaankaasi, iyadoo arintaani la tilmaamay inay ka dambeeysay kadib dagaal deegaanka Diif ku dhexmaray ciidamada Ururka Raaskambooni iyo kuwa Xarakada Al Shabaab

BTS

Related Items


Leave a comment