Dowladda Qadar oo sheegtay inay garab taagantahay DKMG Somaliya

Monday March 14, 2011 - 10:57:59
0 Comments
1581
Super Admin
Dowladda Qadar oo sheegtay inay garab taagantahay DKMG Somaliya

Doha:Dowladda Wadanka Qadar ayaa shaacisay inay taageersantahay dowladda KMG Soomaaliya, iyadoo dhinaca kala sheegtay inay la dhacsantahay qaabka ay ugu hortagaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Xarakada Al Shabaab.

Nasri C/casiis (Al-Nasri) oo ah Wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya dalka Qadar ayaa waxa uu sheegay in dowladda Qadar ay aad uga xuntahay dhibaatooyinka mudada 20-ka sano ka jirta dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay in taageero aad u balaaran ay siiso Soomaaliya.

Mas’uulkaani oo u waramayay Wakaaladda wararka ee dalka Qadar oo lagu magacaabo QANA ayaa waxaa uu sheegay in dowladdiisu ay aad ula dhacsantahay hanaanka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ay kula dagaalamaan Xarakada Mujaahidinita Al Shabaab.

Mr. Nasri C/casiis (Al-Nasri) ayaa waxaa uu carabka ku dhiftay in dowladda KMG Soomaaliya ay wax badanb qabatay tan iyo markii la doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana uu sheegay in dowladda ay wali u harsantahay waqti ay wax kaga qaban karto xaaladaha faraha kasii baxaya ee Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray in dowladda Qadar ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato wax waliba oo lagu taageerayo dowladda Soomaaliya.

Dowladda Qadar ayaa waxa ay ka mid tahay dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya, waxana qaar ka mid ah wadamada Carabta ay horey ugu dhawaajiyeen in xiligaan loo baahanyahay in hal meel loogu soo jeesto dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya.

BTS

Related Items


Leave a comment