Dowladda Norway oo ku baaqday in la xiro Kanalka Suweys

Thursday March 17, 2011 - 12:54:01
0 Comments
1370
Super Admin
Dowladda Norway oo ku baaqday in la xiro Kanalka Suweys

Oslo: Dowladda Norway ayaa ku baaqday in gabi ahamba la xiro Kanaalka Suweys sabababa la xiriira kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Baaq ay soo saartay Shirkadda ugu wayn dalka Norway oo ka shaqaysa Xamuulka Badda ayay ku dalbatay in gabi ahaamba la xiro marinka caalamka oo ay adeegsadaan Maraakiibta iyo duumaha isaga kala goosha badaha Caalamka ee lagu magaacbo Suweys kadib markii ay aad u badatay cabsida laga qabo kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Mas’uul u hadlay Shirkadasi oo aan magaciisa la shaacin ayaa waxa uu sheegay in sicirka Naftada ay uu aad u saro kacday kadib markii dalal farabadan oo ku yaala carabta ay ka dhaceen banaanbaxyo rabshado wata iyo burcad badeeda Soomalida oo sii laba jibaartay howgalada ay ku qafaalanayaan Marakiibta taasi oo aan faa’iido ku qabin Maraakiibta ganacsiga iyo doonyaha isticmaala Kanaalka Suweys, waxaana Mas’uulkaani uu ka dalbaday shirkadaha ku yaala Caalamka inay meel mariyaan codsigaasi.

Ilaa iyo hadda majirto Shirkad ka hadashay dalabkaasi, hase ahatee bishii lasoo dhaafay ayaa waxaa bayaan soo saaray 720-kun badmaaxayaal ah kuwaasi oo sheegay inaysan mari doonin Kanaalka Suweys si ay uga bad baadaan burcad badeeda Soomaalida taasi oo keentay in shirkado farabadan oo adeegsan jiray Kanaalkaasi ay ku waayaan Badmaaxayaal u shaqaynayay halka qaar kalana ay gacanta ugu jiraan Burcad badeeda Soomaalida.

BTS

Related Items


Leave a comment