Xukuumadda Libya oo xabad-joojin ku dhawaaqday iyo NATO oo qorshe ciidan wada

Saturday March 19, 2011 - 22:48:28
0 Comments
2315
Super Admin
Xukuumadda Libya ayaa maanta ku dhawaaqday xabad-joojin shuruud la`aan oo dhineceeda ah ka dib markii habeenkii xalay Golaha Amaanku isku raacay in "la bad-baadiyo" shacabka dalkaasi ee kasoo hor jeeda xukuumadda Libya ee uu horkacayo madaxweynaha dalkaasi Mucammar Qadaafi.
Wasiirka arrimaha dibadda Libya Moussa Koussa ayaa maanta shaaca ka qaaday in xukuumaddiisu ay joojineyso dhamaan talaabooyinka maleteri ee ay wado, waxaana uu ku dhawaaqay xabad joojin shuruud la`aan ah.

Golaha Amaanka ayaa isku raacay in uu adeegsado aalad walba oo ay ku jirto talaabo maleteri, iyadoona qeybo ka mid ah dalka Libya lagusoo rogay cunaqabateyn xagga duulimaadka diyaaradaha.

Isbaheysiga NATO ayaa iminka wada diyaargarow dhinaca maleteriga ah, waxaana ay hawada iyo badda dalka Libya u direen diyaarado iyo maraakiib dagaal.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ciidamada Qadaafi ay ka awood roonaadeen mucaaradka dalkaasi, iyadoona laga soo sifeeyay inta badan magaalooyinkii ay qabsadeen.

Sidoo kale waxa ay kusoo aadeysaa xilli xukuumadda Libya ay shaaca ka qaaday inay kusoo afjareyso dagaalada ay mucaaradka kula jirto 48-saacadood.

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment