Belgium; Shir Somalia lagu taageeraayo oo mantay ka dhacay wadanka Belgium

Tuesday March 22, 2011 - 14:09:00
0 Comments
977
Super Admin
Magaalada Brussels ee Xarunta Dalka Belgium-ka ayaa kulan ugu soo dhamaaday guddiga arrimaha dibadda Midowga Yurub waxaana looga hadlay taageerada Soomaaliya ee dhinacyada ammaanka, bidi’aadamnimada, iyo horumarka guud.

Shirkan oo ahaa mid ay yeesheen guddiga arrimaha dibadda Midowga Yurub ayaa waxaa la’isla meel dhigay in dhibaatooyinka kajira Soomaaliya ay yihiin kuwo ba’an isla markaana u baahan in laga taageero sidii looga bixi lahaa, iyadoo taageerada la sii marsiinaayo Dawladda KMG ah.

Madaxa arrimaha siyaasadda Midowga Yurub Catherine Ashton oo kulan guddoominaysay ayaa muujisay muhiimadda ku jirta taageerada Dawladda Fedraalka, waxayna sheegtay in Soomaaliya ay taageero u baahan tahay si looga baxo dhibka jira.

Kulanka ayaa lagu sheegay in dhibaatada Soomaaliya ay tahay mid kasii daraysa iyadoo ay ugu wacan tahay ammaan darrada, abaaraha iyo dhanka bini’aadamnimada oo kasoo dartay sanadahii ugu dambeeyey.

Midowga Yurub waxay tilmaameen in Dawladda KMG ah laga taageero dagaalka ay kula jirto Al-shabaab si ay u suura gasho gargaar gaarsiinta dadka dhibaataysan.

Sidoo kale qodobada kasoo baxay kulanka ay yeesheen guddiga arrimaha dibadda Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro Soomaalida dhexdeeda, iyadoo lagu qeexay in xalka dalka uusan ku jirin gacmaha shisheeyaha, si taasi loo gaarona loo baahan yahay in Soomaalidu wada hadasho.

Midowga Yurub waxay mar kale cambaarayn usoo jeediyeen muddo kordhintii uu dhowaan sameeyey Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, waxayna ku baaqeen in go’aankaasi dib looga laabto.

Sikastaba ha ahaatee kulanka ka dhacay magaalada Brussels ayaa kamid noqonaaya kulamada looga hadlo xaalada Soomaaliya.

BTS

Related Items


Leave a comment