Qaramada Midobay oo shir isugu yeeraysa dhinacyada Soomaaliya

Friday March 25, 2011 - 14:46:48
0 Comments
1015
Super Admin
Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in bisha soo socota ee April ay dhinacyada Soomaaliya isku haya isugu yeerto shir balaaran oo ka dhici doona magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sidan waxaa sheegay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo shalay kulan khaas ah la yeeshey Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Augustine Mahiga, oo shalay safar ku yimid magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Dowlada Puntland ayaa sheegtay inay ka qeyb geli doonto shirkaasi la isugu yeeray maamulada iyo kooxaha ka jira dalka Soomaaliya si xal loogu helo arrimaha Soomaaliya iyo waliba sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan Dowlada Federaalka Soomaaliya oo xiligeedii ku egyahay 20ka bisha Agoosto ee sanadkan 2011.

Kulankan ka dhici doona magaalada Nairobi ayaa sidoo kale la sheegay in lagu casumi doono qaar kamid ah kooxaha hubeysan ee ka jira koonfurta dalka Soomaaliya, sida Ahlu Sunna Waljamaacada iyo maamulada kale.

Xubno ku dhaw dhaw Qaramada Midoobay ayaa sheegay in kulankan ka dhici doona Nairobi sidoo kale lagu casumay, maamulka Soomaaliland,halka kooxda Al Shabaab oo ka arrimisa qeybo badan oo kamid ah koonfurta Soomaaliya, aan shirkan lagu casumin maadaama ay si weyn uga soo horjeedaan xiriirka dibada.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xili uu khilaaf xoogan ka dhex taagan yahay Dowlada Federaalka, ayadoo maalinimadii shalay qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Axmed lagu sheegay in uu xilka sii hayn doono illaa inta laga soo magacaabayo Baarlamaan cusub, halka Baarlamaanka DFKMG uu sheegay inuu xilkii ku darsaday muddo 3 sano ah.

Waxaan la saadaalin karin natiijooyinka kasoo bixi kara kulankaasi ay wadaan Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay, ayadoo maamulada ka jira Soomaaliya oo ay ugu horeyso Puntland diidan tahay in nidaamka hada DFKMG ku shaqeyso iyo mas’uuliyiinta hada xilka haya ay sii taageerto, halka ay soo cusboonaanayaan dagaalo cusub oo ka curtay qeybo kamid ah koonfurta dalka Soomaaliya

BTS

Related Items


Leave a comment