Roberto Mancini oo dib ugu yeertey Cabdisalaam Ibraahim–

Sunday March 27, 2011 - 00:59:59
0 Comments
1395
Super Admin
Ciyaaryahan Cabdisalaam Caddaay oo loan ugu maqnaa kooxda Scunthorpe United ayaa dib ugu soo laabtey kooxdiisii kadib markii macalinka kooxda Man City macalin Mancini ay la soo daristey culeys dhawacyado badan oo soo gaarey ciyaaryahanadiisa

Cabdisalaam Ibraahim ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Manchester islamarkaana dib ula bilaabey tababarka kooxda koowaad ee Man City.

Intii uu ku maqnaa kooxda Scunthorpe United ayuu ku soo bandhigey ciyaar wanaag ciyaarihii uu safanayey dhamaantood, taasoo ku qasabtey in macalin Roberto Mancini u baahdo ciyaaryahankaan mustaqbalka wanaagsan leh.

Ciyaaraha soo socda waxaa macquul ah inuu ka soo dhex muuqdo kulamada adag ee uga harey horyaalka kooxdiisa.

Ciyaaryahan Cabdisalaam oo dadaal ugu jira sidii uu wax ula qaybsan lahaa xidigaha caalamka ugu qaalisan ee u safta kooxda Manchester City ayaa Allah uga rajeynayaa inuu u fududeeyo dadaalkiisa wanaagsan.

SSPAMEDIA ayaa lagu martiqaadey inay si toos ah uga qayb gasho kulamada u harsan kooxda Man City koobka horyaalka iyo FA Cup.

W/D: Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

Related Items


Leave a comment