Dawladda Puntland: “abaartu meel xun ayey gaartay”

Monday March 28, 2011 - 12:45:46
0 Comments
1043
Super Admin
Dowladda Puntland ayaa sheegtay in abaarta ka jirta deeegaanada Puntland ay gaartay heer aad u liita,ka dib kulan aan caadi ahayn oo guddiga abaaraha Puntland ay ku yeesheen magaalada GarOowe ee caasIadda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta Hidaha iyo Dhaqanka Puntland Axmed Cali Askar oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland,kulankaasi ka dib ayuu sheegay in goobaha Puntland ay abaartu sida wayn u saameysay ay qayb ka tahay Nugaal,hawd iyo meelo kale oo dhigooda ah.

Wuxuu inaasi ku daray in Dowladda Puntland biyo dhaamin ay u samaysay deegaanadda Puntland aysan wax wayn ka qaban xadiga abaareed ee ka jira Puntland,waxana uu xusay in biyo dhaamintaasi ay noqotay wax uu ugu yeeray dhibic bad lagu daray.

Axmed Cali Askar ayaa xusay in Hay’adda Unicef iyo dowladda Imaaraadka Carabtu ay dowladda ka gacan siiyeen wax ka qabashada abaarta,wuxuu ugu baaqay Hay’adaha calamiga ah in ay sii laba jibaaraan sidii loogu gurman dadwaynaha ay dhibaatada abaartu saamaysay.

Mudane Askar ayaa sheegay in Puntland ay ku bixisay abaarta lacag ay cadadeedu garayso 205,000[laba boqol iyo shan kun oo doolar] hasa yeeshee aysan waxba ka badalin xaaladda hadda jirta.

“..dadku waxay u soo yaaceen magaalooyinka u dhow tuulooyinka ay daganaayeen”
ayuu yiri.

Si kastaba arimahana yaa ku soo begmaya xilli abaar xoogan ay ka jirto deegaanada Puntland iyo guud ahaanba Soomaliya.

BTS

Related Items


Leave a comment