Kooxda Qeylodhaan oo soo saartey hees cusub oo la yiraahdo ‘’Gabigiinba na dhaafa ‘

Tuesday March 29, 2011 - 12:13:02
0 Comments
1764
Super Admin
Kooxda Qeylodhaan oo soo saartey hees cusub oo la yiraahdo ‘’Gabigiinba na dhaafa ‘
Heestan cusub waaxaa si wadajir ah looga hadlayaa xukun jaceylka Xildhibaanada Baarlamaanka, Golaha Wasiiradda iyo Madaxweynaha dawladda kmg kadib markii ay qolo walba goonidood ugu kordhisteen xilalkii ay markii horeba iyaguba isku soo magacaabeen , halka aan inaba aan laga talo-galin shacabka Soomaaliyeed.

Soomaalidu waxey horay u tiri “ HAL BOOLIYIHI NIRIG XALAALA MA DHASHO”

Heestaan magaceeda waxaa la yiraahdaa GABIGIINBA NA DHAAFA. Waa erayadii abwaanka Qaranka Mustafe Shiikh Cilmi , kasoo horey u soo saaray heestii magaceedu ahaa ‘’550 Xildhibaan beeso loo heli mayo’’, heestaas oo dabajoogtay tii kal hore ay isla kooxda Qaylodhaan soo saareen taasoo magaceedu ahaa ‘’ XILDHIBAANNIMOOY XAAL QAADO’’.

Labadaas heesood oo aad uga careysay inta badan xubnaha Baarlamaanka fadhiidka ah, waxaa xusid mudan in dadka mar walba aan dadka la wada qancin Karin, balse kooxda Qeylodhaan in eedayn loo soo jeediyay markii ay soo saareen heesta Qeylodhaan oo ah heesta kooxduba ay ku soo can baxeen, taasi waxay keentey in Jaalle Cabdi Shire Jaamac ‘’Ciyaar Jecel’’ uga jawaabey kooxdii isku dayday inay Qeylodhaanta la sii wadin heesta ‘’Kawaankii dadka’’ oo ay erayadeedu ka midka ahaayeen ‘’Ha ley dilo anoo xaqa dardaaraaye’’ .

Intaas kadib qaar aan xlilkas aheyn ayaa isku dayay in ay kooxda ku riixaan dhanka golaha Wasiirada kadib markii ay soo saareen heestii caanka noqotay ee’’ Xildhibaannimooy xaal qaado’’. War iyo dhamaantii kooxdaan wadaniyiinta ah waxey had iyo jeer ka turjuntaa dareenka shacabka Soomaaliyeed, halka aan ku tilmaami karo inay yihiin codka dadka Soomaalida.

Heesta cusub miraheedana waxay u qoran yihiin sidatan bal nala aqrista

BAARLAMAAN WAXGAL LIITA

GOLO DAWLAD AHAADA

AMA GEEDI WARFAA IYO

REER GARDHEERI AHAADA

GOOBTAAN AAD FADHISAAN

ISKU GEYNTA XISAABTA

WAA LABAATAN SANNOO ISKU GAW AH

MAGACEENAAD GADATEEN

GAMBIDEENOOD ROGTEEN

GABBALKIISII RIDEEN

GUNTA AAD KA DHIGTEEN

HOORIS AMA KOORAS:

BAL IN AAN WAX KA GAARNO

GURMAD AAN U XULNEE

GABIGIINBA NA DHAAFA

BAYDKA 2AAD.

LABA SHARIF GURXAN KOODA

ISKU GAADA RUXOODA

GEED MA LOOGU XIRNAAN

GAL-BIYEYSSAN XAREEDDA

COSOB DOOGGU GADAAMAY

AANNU GEYNO SOOMAALI

LAMA GEYNAYO TAASE

GO’DOONKAA HA AHAATEE

GALGALINTEEDA HA DHAAFIN

LEYSKUMA HEYSTO GEDAASE

WAA WAX NAFTOODA U GAARA

HOORIS AMA KORAS:

BAL IN AAN WAX KA GAARNO

GURMAD AAN U XULNEE

GABIGIINBA NA DHAAFA

BEYDKA 3AAD:

UMMAD ABAARI GANEYSAY

MIINADUU GOGOSHEEN

MADFACNA U GALBISEEN

OONNAN HEYSAN GASIINOO

KAAJADAW RAFANEYSA

GOOR- XUN AAD QAXISEEN

U HOYAADAY GABIIRTA

GALAAS BIYAANA AAN HEYSAN

GALABTII ALLA KEENANA

MEYDKEEDII GOGLANYAAYE

BADDU AY GALCINEYSO

HOORIS AMA KOORAS:

BAL IN AAN WAX KA GAARNO

GURMAD AAN U XULNEE

GABIGIINBA NA DHAAFA.

Kooxda Qeylodhaan waxay caawa isheegeen inay ku mashquulsan yihiin soo saaristaa heestaan cusub oo muqaal ah si dadka Soomaaliyeed ula qaybsadaan marxaaladaha uu marayo dalka.

Waxaa nasiib daro weyn ah markasto oo Dowlad Soomaaliyeed baa dalka iyo dadka loo soo dhisaa aan maqalno anagana aan ku fekerno in dhibaatada haysata dadkeena looga bixi doono ay ku soo dhamaysato waqtigeeda isqab qabsi iyo xukun jaceyl lagu doonayo in lagu helo dhaqaalo iyo daneysi gaar ah, taasoo shacabka Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan looga baahan yahey inay gartaan shirqoolada lagu hayo dalkeena islamarkaana ay haboon tahey in loo istaago sidii dalka iyo dadka loo badbaadin lahaa iyadoo aanla raadinaynin darajo iyo dhaqaale xaraan ah.

Soomaaliya waxay u baahan tahey in laga xoreeyo gacanta shisheeyaha dariska iyo kuwa diimeedka ku qarabaanaya islamarkaana nabad dhab ah oo xal lagu gaaro ay haboon tahey inta aan fursada haysano aan ka shaqayno sidii shir Soomaaliyeed oo Soomaali leedahay ugu qabsan laheyn gudaha dalkeena si looga baxo gacan bidixeenta IGAD/UNDP/UNPOS iwm ah si dalkeena loo badbaadiyo insha Allah.

W/D: Yusuf Maxamed Cabdi Yusuf

mrsomalia@hotmail.com

London


Related Items


Leave a comment