Mogdisho: Kulankii Mahiga iyo Madaxdii dawalada.

Thursday March 31, 2011 - 08:46:53
0 Comments
2197
Super Admin
Faah faahin kasoo baxaysa kulankii Mas’uuliyiinta DKMG iyo Mahiga
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahanyahay in doorashada Madxtinimo ee Soomaaliya ay dhacdo ka hor bisha Augusta, iyadoo dhinaca kale faah faahin ay kasoo baxayso kulan Ergayga gaarka ah uu la qaatay Mas’uuliyiinta ugu sar sareysa Dowladda KMG Soomaaliya.

Ambassador Augustine Mahiga oo maanta safar qarsoodi ah ku yimid Muqdisho ayaa ka hor inta uu san imaan Muqdisho waxaa uu warbaahinta u sheegay in loo baahanyahay in ka hor bisha Augusta ay dhacdo doorashada Madaxtinimo ee Soomaaliya islamarkaana dhinacyada Soomaaliya gaar ahaan dowladda KMG ay u diyaar garowaan Doorashadaasi sida uu hadalka u dhigay.

Mahiga oo Muqdisho kula kulmay Madaxda ugu sar sareysa dowladda ayaa kulankiisa kadib waxaa warbaahinta shir jaraa’id si wada jir ah ugu qabtay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Max’ed C/laahi Max’ed (Farmaajo) iyo Ambassador Mahiga oo ah Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Farmaajo aan ku dheeraan ka hadlidda waxyabaha ay ka wada hadleen Mahiga ayaa waxaa uu saxaafadda u sheegay waxyaabihii ay isla soo hadlqaadeen, isagoo tilmaamay inay ka wada hadleen xiliga kalguurka oo uu sheegay Farmaajo in loo baahanyahay in la fahmo.

Ambassador Augustine Mahiga oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in sababaha Muqdisho uu u yimid ay tahay in casuumad waraaqo ah uu gudoonsiiyo Madaxweynaha dowladda Ra’iisul wasaaraha dalka iyo gudoomiyaha barlamanka si ay ugu qeyb galaan shir Qaramada Midoobay garwadeen ay ka tahay oo maalmaha soo aadan ka dhacaya Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

Ugu dambeyn ayaa Mahiga waxaa uu kulamada uu la qaatay Mas’uuliyiinta dowladda uu ku sheegay in loo baahanyahay in la tixgaliyo Maamul goboleedyada ka jira Dalka Soomaaliya hase ahaatee Mahiga ma’uusan soo hadal qaadin qilaafka ba’an ee ka dhaxeeya Madaxweynaha dowladda iyo Gudoomiyaha barlamanka iyo waqti kordhinta ay sameeyeen golaha wasiirada Xukuumadda KMG Soomaaliya.

Ahmed Abdullahi Farah

Burtinletimes.com

Siyaasi2120@hotmail.com

Related Items


Leave a comment