Gudiga Amniga Gobolka Mudug Oo Qodobo ka soo Saaray kulankii Hotel Five Star

Thursday March 25, 2021 - 22:38:08
0 Comments
376
Meeraysane.com

 Kulan maanta ka dhacay hotel five star ee Magaalada galkacyo ayaa looga hadlay sidii loo soo afjari lahaa colaada ka dhacday duleedka Magaalada galkacyo.


Taas oo ay ku dhinteen 3- Ruux oo xoola dhaqato ah dhawaan kadib markii weerar ay soo qadeen maleeshiyo ka soo jeeda dhinaca galmudug.


Kulankii maanta ayaa waxaa ka horeeyay kulan lagu qabtay madaxtooyada Magaalada galkacyo si loo xaliyo mashaqadii dhawaan ka dhacday duleedka magaalada galkacyo.


Shirkii maanta qodobadii ka soo baxay oo ay yesheen odoyaasha gobolka mudug iyo maamulada gobolka waxaa warbaahinta u Akhriyaay Nabadoon Xabiib cali barre.


1: in xabada la joojiyo waxaana loo xil saaray gudi mucayin ah.

2: in Ciidanka isku dhafka ah loo howl geliyo waxaana xil saaray mamulka gobolka labadiisa dhinac.

3: in sedexdii nin ee ku dhimatay bur raas laga bixiyo mag buuxda, laguna bixiyo sex bilood gudahood qaymaheeduna yahay hashiiba $300 dolar,duugtii & qoryihiina lagu bixiyo 10 cisho gudahood.

4: damaanada iyo daba galka waxaa qaadaya maamulada gobolka.

5: Arinta dadkii ku dhintay Magaalada gudaheeda waxaa loo balamay 4/4/2021 si loo soo afjaro.

6: Cidii hada ka dib dembi gaysata waxaa lagu heshiiyay inay soo qabtaa ciidanka federalka si dembiga loogu qaado.

Halkaan ka dhagayso

Axmed khadar Rajaa
Meeraysane.com 
Galkacyo 
Ramsiraas@gmail.com 

Related Items


Leave a comment