Maamul Goboleedka Habar Kuuleey Land oo lagu dhawaaqi doono (Warbixin).

Thursday March 31, 2011 - 10:33:08
0 Comments
1282
Super Admin
Maamul Goboleedka Habar Kuuleey Land oo lagu dhawaaqi doono,
Tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe ee Jaalle Siyaad Barre waxaa dalka ku habsaday musiibo dhib badan u geysatay shacabka Soomaaliyeed iyo jiritaanka dalka.

Dalka Soomaaliya oo hodon ku ah beerashada,xoola dhaqatada,Kaluumaysiga iyo waxsoo saarka dhaxalgalka ah ayaa noqday meel beylla ah oo aan lahayn cid dugaagga ka difaacda.

Sanadadii lasoo dhaafay waxaa gobalada dalka Somaliya ka hana qaaday laba maamul oo lagu kala magacaabo Somaliland iyo Puntland kuwaasi oo ay dhisteen beelaha Soomaaliya ee kala dega W.Galbeed Somaliya iyo W.Bari Soomaaliya.

Waxaa kusoo xigay maamulka Galmudug ee kajira Koonfurta Gaalkacyo ilaa iyo degmada Hobyo ee gobolka Mudug, maamuladaasi dalka ka hana qaaday waxay fure u noqdeen in qarankii Somaliya noqdo mid sii burburaya maalinba maalinta ka dambeysa.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa dalka dibadiisa looga dhawaaqayay Maamulo gobaleedyo Fowda ah oo ay qurba joog dibadaha ku wareertay dhisayaan.

Haddii maamuladii hore ee kala ahaa Puntland,Somaliland,Galmudug u dhisnaayeen qaab beeleed waxaa soo baxay kuwa ka xun oo Juffa beeleed ku dhisan.

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ayaa aqoonsaday maamul hab Juffa ku dhisan oo lamagac baxay Waax iyo Waadi maalmo kadib waxaa lagu dhawaaqay,Dooxa oo ah tuulo Galgaduud katirsan, waxaa iyana lagu dhawaaqay Dooxada Shabelle oo Hiiraan katirsan, iyo kuwa kale oo dadku aad ula yaabeen.

Mid kamida Odayaasha dhaqankaSomaaliyeed ayaan weydiiyay dareenkiisa ku aadan maamul deegaameedka soo baxay wuxuuna ku jawaabay: Berri waxaan maqli doonaa maamul Habar Kuuleey-land sababtoo ah Soomaalida way wareertay waxayna qarankii Somaliya ka dhigeen xaafad xaafad calan gooni ah leh.

Indheer garadka ayaa aaminsan in dhismaha maamuladan ay dhaqaale ku bixinayaan dowlado shisheeye oo doonaya in ay sii kala fogaadaan shacabka Soomaaliyeed.

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment